26th July 2024  admin  Category :

Xaflad caawa lagu Qabtay Oodweyne oo lagu kala dareeray markii Xabadi ka dhacday goob u dhow

Xaflad lagu taageerayey Maleeshiyaadka SNM oo ka socotay caawa fiidkii magaalada Oodweyne, ayaa gabi ahaanba lagu kala dareeray markii ay xabadi ka dhacday goob ku dhow goobtii xafladu ka socotay.

Wararka ayaa sheegaya in qof aan la garani xabad ka riday goob aan sidaas uga fogeyn halkii xafladu ka socotay.

Waxa la sheegay markii xabadu dhacday ay qaar ka mid ahaa dadkii goobta fadhiyay ay yidhaadeen “jabhadii ayaa ina soo gashay, kadibna waxa la boobay albaabadii hoolkii xafladu ka socotay.

Shacabka magaaladaas oo la mid ah guud ahaan bulshada degta Gobolada waqooyi galbeed iyo Togdheer ayaa maalmahan danbe cabsi la soo deristay oo dhulku u dhaq dhaqaaqayaa, Xabaddan dhacday waxa u qaateen in magaalada ay soo galeen Hiil Harti. Hadalkii ugu danbeeyey Qawdhan oo ahaa ninkii xafladda daadihinay wxay ahayd ” war waa huwantiiye ee meesha aynu iskaga cararno”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*