19th August 2026  admin  Category :

Warqaddii laosoo qoray in bulshada gobolka Sanaag lagu kiciyo labo cisho ka hor shirkii dawladda federaalku Laascaanood ku qabanaysay waxba kama jiraan oo waa been abuur

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha oo ah haya’dda Puntland u xilsaaran dhinacyada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha waxay beeninaysaa warqad lagu baahiyey baraha bulshada oo sheegaysa in wasaaraddu tartan macdaneed ay lawado shirkadda DP World. Wasaaraddu waxay bulshada u cadaynaysaa in heshiisyada wasaaraddu gasho lagu saleeyo shuruucda Puntland u taala, sidoo kale wasaaraddu waxay markasta heshiisyada ay gasho lawadaagaysa Xukuumadda iyo Baarlamanka oo wakiil ka ah shacabka.

Ugu dambayn wasaaraddu waxay shacabka ku baraarujinaysa in aanay ku kadsoomin shaqsiyaadka caadaystay been abuurka, iyaga oo ka leh dano siyaasadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*