26th July 2024  admin  Category :

Shirkii nuu Farmaajo ku fashilmay inuu Soomaali isu keeno ayaa lagu qaban doona Dhuusamareen bishan siddeedeeda

Madaxda Maamul goboleedyada ay shir gaar ah ku yeelan doonaan magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan ayaa la filayaa inuu dhaco 8-da bishan, kaddib wada hadal khadka taleefanka ah oo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dhex maray, lana isku raacay in shir keligood ah isugu yimaadaan.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan looga hadlayo doorashooyinka iyo arrimo kale oo ay ka mid tahay sidii xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada loo soo celin lahaa.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii uu fashilmay kulankii Madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeray Maamul goboleedyada, kaasoo Muqdisho ka dhici lahaa 5-8 bishan July, kaddib markii ay qaadaceen Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

War murtiyeed ayaa la filayaa in la soo saaro shirka maalinta arbacada dhici doona ee ku beegan 8-da bisha July iyo ajandayaasha looga hadlayo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa dadaal ugu jiray sidii gogol ugu fidin lahaa dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si xaliyo khilaafka u dhaxeeya Federaalka iyo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*