7th May 2024  admin  Category :

Sodon sano ka hor ayeey ku guul daraysteen SNM iyo USC in beesha Daarood ay dabar gooyaan, maanta ayeey heleen nin cuqdadaysan oo ay u adeegsadaan fikirkii guracnaa ee la dagaalanka beesha Daarlood.

Shirkii Jabuuti ee SNM iyo USC u dhaxeeyey iyo Maqaamka Muqdisho oo dhowr iyo tobonka xildhibaan lagu siiyey iyo jawaabta beesha Daarood ee labada goorba noqotay ” Waa diidnay” , waa arintii ay sodon sano ka hor madaxda beelaha USC iyo SNM soo jeediyeen, iyaga oo ku sugan guriga Ina Naxar ee ku yaalaay xaafadda km 5 ee magaalada Muqdish.

C/raxmaan Tuur , Alle ha u naxariistee ayaa sodon sano ka hor yidhi hadalkan ” waxaan ku jirney qorshe Daarood lagu kala qaybiyo cuddudiis, sida Kurdiga oo kale ayaan go’aansanay in aannu ka dhigno, ha yeeshee Hawiyoow idinkaa ka siidaayey daminkii loo qoolay.

Maanta C/hi Yusuf in reysal wasaaraha nagu qabsadu idinka keennay, waxay ahayd idinkoo Majeerteen iyo Mareexaan soo jilciyey, oo madax salaax u soo sameeyey, oo miiska wadda-hadalada xagga dambe in ay ka fadhiistaan raali ku ah, iyagoo maynoorati ah, iyo idinkoo majoorati ah, oo xagga hore soo fariista. Anaguna sidaas kale, ka dibna miiska wadda hadaladda soo fadhiisano idinkoo hormuud u ah Koonfur iyo annagoo sidoo kale hormuud u ah reer waqooyiga, kadibna aad sidaas ku qaadataan madaxweynaha aan dhicin, annaguna Raysal wasaare aan dhicin, sidaasna ku ahaanno labo maamul oo isku darsaday, oo midwalba maamul hoosaadkiisa leeyahay.

Halkaasna reerkii magaca weynaa noqdo mid laga xukumo Koonfur, Waqooyi, Itoobiya iyo Kenya, kadibna sidaas Kurdi oo kale ku noqdaan, oo aysan mar dame, masraxa siyaasadda Somaliya wax ka noqon.

Arinta uu Cabdiraraxmaan soo jeediyey ee ah in beesha Daarood laga dhigo Kurdiyeen waxa la qaba mid ka mid ah hogaamiyaasha Soomaaliya ee maanta Fahad Yaasiin oo horay ugu qoray Joornaalka Aljazeera ee laga leeyahay dalka Qatar ” Daaroodku Soomaaliya Kurdiyiin ayeey ka yihiin”

Ugu danbaynrii inta badan beesha Daarood diyaar uma aha inay Soomaali ka noqdaan Kurdiyiin oo ah sida ay rabaan siyaasiyiinta beelaha SNM iyo USC, siyaasiyiintan SNM iyo USC iyaguna diyaar uma aha Soomaali mid ah oo caddalad iyo walaaltinimo ku wada nool oo aduunka intiisa kale wax la qaybsada. Hadaba xalku waa labo mid uun, in maamulka Puntland u ololeeyo in Sanaag iyo Sool ay maamul goboleed noqon karaan oo shuruudihii maamul goboleedka ay buuxiyeen iyo in beelihii wada dhistay Puntland ay dib isugu laabtaan oo ay is waydiiyaan Soomalidii aan doonaynay Ma kooxda Fahad Yaasiin ayeey noqdeen . Marin habaabinta ugu weyn ee dad badan khaldi kartaa waa iyada oo Farmaajo oo cuqdadaysan loo arko inuu kursiga ugu fadhiyo beesha Daarood.

Allsanaag.com, news@allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*