26th April 2024  admin  Category :

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ka horyimid heshiiskii ay wada galleen maamulka Hargeeysa, Itoobiya iyo Imaaraadka. Waxaana lagu sheegay warmurtiyeed ka soo baxay shirkii ka dhacay Masar ee Ururka Jaamcadda Carabta in Soomaaliya midnimadeedu ay tahay muqadas iyo inaan la aqbali karin faragellin ka timaada dawladdo shisheeye. Sidoo kalle waxaa si cad loogu sheegay warkii ka soo baxay ururkaas in dawladda federaalka ay tahay midda looga danbeenayo arrimaha quseeya Soomaaliya min Berbera illaa iyo Raaskanbooni.

Maamulka Hargeeysa ayaa aaminsan ineey yihiin dal madax bannaan, laakiin caalamka oo dhan waxeey ka xirteen albaabada iyagoona kor iyo hoos ugu sheegay inaan aqoonsi jirin ayna meesha keenin wax cad oo lagu aqoonsado aan ka aheen in la xasuuqay, balse Soomaali oo dhan ayaa is wada xasuuqday manna ahan mid iyaga uun ku kooban xasuuqa.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*