29th March 2024  admin  Category :

UNHCR oo sheegtay in Gargaarkii Puntland gaadhay in iyadu bixisay

Xilliyaddii hore ee Soomaaliya ayna dugsiyada badan lahayn oo degaano kale la aadi jiray waxbarashada , ama ay Soomaali badani ka shaqayn jireen Khaliijka ayaa Qoysaska Soomaaliyeed iyo Ardada waxa Masaariifta loo saari jiray Dukaano aya Biilka ka qaataan. Taas maanta waxa ka dhigan Qaramada midoobey ee masruufta Soomaaliya ayaa Biilka ay Soomaali siinayaan u soo mariya Villa Wardhiigleey. Waana tan cad warqadan ka soo baxday Xafiiska UNCHR. Dukaanada Biilka laga qaadan jiray marna ma sheegan jirin inay iyagu lacagtan bixiyeen sida Kooxda Villa Wardhiigleey

Hey’addaQaramada midoobey UNHCR ayaa sheegtay in Gargaarkii Puntland soo gaadhay ay iyadu bixisay balse safarka iyo mas’uuliyadda howsha ay qaadatay dowladda Soomaaliya, sidaas waxa sheegay, Wakiilka Hey’adda ee Soomaaliya, Johann Siffointe oo yidhi:

“UNHCR waxay ku faraxsantahay inay taageerto dedaallada dowladda dhexe iyo maamulka Puntland si looga jawaabo xaaladda deg deg ah ee fatahaadda Qardho. Markii la qoondeeyey 920 agabka asaasiga oo ay bixisay UNHCR, dowladda federaalka ayaa qaadatay mas’uuliyadda iyo abaabulka safarka duulista hawada,

UNHCR waxay sii wadi doontaa wax ka qabashada daadadka, iyadoo hoos imanaysa hoggaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, xidhiidh dhowna la leh dowladda xubinta ka ah ee Puntland”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*