7th September 2024  admin  Category :

UK iyo Denmark oo ka hadlay xiisadda ka dhalatay Is-afgaradkii SNM iyo Itoobiya

Dalalka UK iyo Denmark ayaa sheegay inay taageerayaan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kadib markii Is-afgarad ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya, ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.”

“UK waxay ka walaacsan tahay xiisadda kasii dareysa ee Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda UK ee Soomaaliya, kaasi oo lasoo dhigay barta X.

“Waxaan dib u xaqiijineynaa xushmadda buuxda ee aan u hayno madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya,” ayey ku dartay.

“Waxaan ku baaqeynaa is-xakameyn iyo wada-hadal si hab nabadeed loogu xalliyo arrimaha.”

Sidoo kale, safaaradda Denmark ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay inay saaxiibada caalamka kula biireyso walaaca ay ka qabaan xiisadda Geeska Afrika.

“Waxaan carabka ku adkeynaynaa ixtiraamka buuxda ee aan u hayno midnimada-dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya, waxaana ku boorinaynaa dhinacyada inay nabadda ilaaliyaan, oo ay raadiyaan wadahadal xal nabadeed waara loogu helo arrimaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaamtay “daan-daansi” ay Itoobiya ugu xadgudbeyso madax-banaanida Soomaaliya, waxayna ka codsatay Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika inay kulamo deg deg ah ka yeeshaan arrintan.

Madaxda Somaliland ayaa sheegay in heshiiska uu dhigayo in Itoobiya “ay si rasmi ah u aqoonsan doonto Jamhuuriyadda Somaliland,” balse tani ma aysan xaqiijin Addis-Ababa.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa labaduba difaacay is-afgaradka.
La-taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Redwan Xuseen ayaa ku sheegay bartiisa X in in is-afgaradku yahay “tallaabo loo qaaday jihada saxda ah.”

Waxa uu sheegay in dawladda federaalka Itoobiya is-afgaradka ay la gaartay Somaliland uu u gogolxaarayo inay Itoobiya hesho saldhig milatari oo ay ka kiraysato Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*