27th July 2024  admin  Category :

Soomaaliya ma leedahay Ciidan badeed oo hor istaaga doonista Itoobiya ee badda?

Tirada ciidanka badda ee Soomaaliya waa mid kooban, iyada oo booqashadii uu ku tagay taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin taliska ciidanka badda kadib, ay warbaahinta dowladdu soo bandhigtay askar ku labisan direyska ciidamada badda ee Soomaaliya,

Sida ay shaacisay shabakadda qiimeynta awoodaha milatari ee dalalka caalamka, Global FirePower, Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka badaha.

Kornayl Macow oo ka faallooda arimaha amaanka iyo ciidamada ayaa sheegay in ciidanka badda Soomaaliya ay jjiraan balse awodda ay leeyihiin ay tahay mid kooban .

Waxaa uu tilmaamay in sanadihii danbe ciidanka badda Soomaaliya dib u dhisa fiican lagu sameeyay wallow aysan awooddin in si buuxada ay u ilaaliyaan dhamaan biyaha Soomaaliya .

“Ciidanka badda Soomaaliya waxaa ay haystaan doomaha dheereeya oo dhowr iyo toban ah, waxaa ay difaaci karaan ilaa 12 mayla oo biyaha Soomaaliya oo keliya, laakin ma awooddan in badda oo dhan ay ilaaliyaan “ ayuu yiri Kornayl Macow oo BBC -da u warramay.

“Ciidankii Soomaaliya ee badda ee lahaa ingineeriga,makaaniga lahaa,oo kuwa quusa lahaa hadda ma jiraan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay .

Inkasta oo sanadihii danbe xeebaha iyo biyaha Soomaaliya ay ilaalinayeen Ciidamada badda caalamiga ah ee la dagaalamaan kooxaha burcad badeedka; Axmed kaboole oo ka falanqeeya arrimaha amniga ayaa qaba in ciidanka badda Soomaaliya uu hadda dib u dhis ku socado balse aysan lahyeen awood badan.

” Waxaan ognahay in Soomaaliya aysan hadda ka jirin ciidan baddeeda oo ka difaac maraakiibta shisheeye ama dal kale oo ku soo xadgudbay” ayuu BBC-da u sheegay Axmed Kaboole.

Itoobiya Ciidan badda ma leedahay?

Sargaal ka tirsan Ciidanka Itoobiya
Qoraalka sawirka,Sargaal ka tirsan Ciidanka Itoobiya

Korneyl Macow waxaa uu sheegay in ka hor intii Eritrea aysan ka go’in dalka Itoobiya ay lahayd ciidan bad, balse markii danbe ay burbureen markii Eritrea ay dal madax banana noqotay sidaasna ay ku raacday dhul xeebeedkii ay Itoobiya ku xisaabtamayasay.

Abiya Axmed, Ra’iisulwasaaharaha Itoobiya ayuu Kornayl Macow sheegay in hadda uu bilaabay in uu dib u abaabulo ciidankii badda ee Itoobiya isaga oo heshiis la galay Faransiiska.

“ Faransiiska ayuu Abiya Axmed heshiis la galay oo u tababaray ciidanka badda, waxaana ay hadda ay ku sugan yihiin magalada Adis-ababa, laakin biyo badeedka caalamiga ah meel ay ka joogaan ciidan badd oo Itoobiya leedahay ma jiraan” ayuu yiri Kornay Macow.

Faransiiska ayuu sheegay in ilaa iyo hadda uusan fulin heshiis uu la galay dalka Itoobiya oo ahaa in uu siiyo maraakiib madam aysan jirin dakada ay ku soo xirtaan.

“ Hadii Itoobiya Maraakiibta Faransiiska uu ballan qaaday la siiyo waxaa ay noqno doonta kuwa iska socda biyaha caalamiga ah, taasna Itoobiya kharash uma hayso” ayuu Korneyl Macow BBC-da u sheegay.

Sidoo kale Timothy Walker, oo ah cilmi-baare dhinaca badda ah oo ka tirsan ISS, ayaa tilmaamay in tobanaan sano ay qaadanayso in Itoobiya ay yeelato ciidan baddeed oo dhammaystiran.

“waxay qaadan doontaa tobanaan sano soo iibinta maraakiibta iyo tababarka ciidamada.” ayuu yiri

khuburada ka faallooda arrimaha amaanka iyo baddaha ayaa qaba in aysan jirin suurtagalnimada ah in Soomaaliya iyo Itoobiya uu dhex maro dagaal dhanka badda ah.

” Ma jiro ciidan Itoobiya badda u jooga, Soomaaliyana ma lahan awoodda ay biyaheeda ku ilaashato, marka ma jiro dagaal ka dhici kara dhanka badda oo dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya” ayuu yir Korneyl Macow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*