28th March 2024  admin  Category :

Xisaabiye jabsaday Khasnaddii Mudug oo la amary in la soo xiro

Maxkamadda derajada 1aad ee gobolka mudug ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Xisaabiyihii hore ee wasaaradda maaliyadda Puntland Barkhadle Aadan Muuse oo lagu soo eedeeyay inuu dhacay musharkii ciidamadda iyo shaqaalaha Puntland ee gobolka Mudug iyo hanti kale oo dawladeed.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Xasan Aw- Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Garoowe, wuxuu sheegay in uu dalka ka baxsaday Xisaabiyuhu, wuxuuna ka codsaday Laamaha amniga ee dowladda federaalka, Maamul goboleedyada iyo wadamada deriska in loo soo gacan galiye Eedaysane Barkhadle.

“ Qoraalkaasi markuu soo gaaray xafiiska xeer ilaalinta, Xogta na soo gaaraysa ee hay’adda Sirdoonku na soo gaarsiiyeen waxay sheegaysaa in Eedaysanahaasi uu dalka ka baxsaday, sidaa darteed, waxaanu Hay’adda amniga ee federaalka, heer maamul goboleed u soo gudbinaynaa in uu sawirkiisu halkaas ku cadyahay ciddii aragta ay u soo gacan galiso dowladda Puntladn” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Guud.

Xeer ilaaliyaha oo ka jawaabayay Su’aalo ay Suxufiyiinta waydiiyeen oo la xiriiray Sababaha hore loogu soo eedayn weeyay Lacagaha ay Xeer ilaalintu sheegtay inuu Lunsaday, wuxuu sheegay in loo diray guddi Hantid dhowr ah oo soo baara lacagaha iyo hantida ku maqan, baaaritaankaasi uu socday, ayuu yiri xeer ilaaliyuhu

Xisaabiyaha la amray in la soo xiro, ayaa toddobaadkii hore shir Jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku eedeeyay Wasiirka Maaliyada Musuqmaasuq, isagoo soo bandhigay Qoraal uu ku sheegay inay yihiin Akoonka Wasiirku ku leeyahay Bangiga Dahabshil, Balse shirkadda Dahabshil ayaa been abuur ku tilmaamay Waraaqahaasi. Wararku waxay sheegayaan inuu Xisaabiyuhu u baxsaday dhinaca Somaliland, isagoo uga soo gudbay dhinaca wadamada Deriska ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*