19th September 2024  admin  Category :

Turkiga oo Itoobiya kala hadlaya khilaafkii ka dhashay heshiiskii is-fagaradka ee Somaliland iyo Itoobiya

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Itoobiya Hakan Fidan ayaa waxa uu shalay booqasho ku gaaray caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed, sidaas waxaa sheegay wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga.

Safarka oo lagu tilmaamay mid shaqo oo qaadan doono dhawr maalin, ayaa waxa uu sidoo kale Fidan la kulmay dhiggiisa Itoobiya Taye Atske Selassie.

Booqashadaana ayaa waxay sheegtay dawladda Turkiga in ay qayb ka tahay dhexddhexaadintii ay dawladdu Turkigu ka dhex waday wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib khilaafkii ka dhex dhashay labada dal ee ku aadanaa heshiiskii is afrgarad ee Itoobiya la saxiixatay Somailand.

Sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya, Turkiga ayaa waxa uu kala hadlay arimo ay ka mid yihiin khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo xaaladda gobolka

War lagu daabacay bogga X oo horay loo oran jirat Twitter ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa isna lagu sheegay in wasiirka Fidan iyo Abiy ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Waxaa jira kulamo kale oo loo madlan yahay kuwaas oo dhex mari doona wasiirka Fidan iyo dhiggiis dalka Itoobiya Ambassador Taye Atske-Sellasie.

Bilowgii bishii June ayaa waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga wadahadal ay sida dawladda Soomaaliya sheegtay fool ka fool ahayn uu dhexmaray wasiiradda arimaha dibadda Itoobiya iyo Soomaaliya, si ay u bilaabaan qorshe diblumaasiyadeed oo looga gol-leeyahay in la xalliyo xiisadda ka dhex taagan labad dal.

Labada dhnacba waxay xilligaas isku raaceen in ay kulan isku madalsadaan mar kale gudaha Ankara, marka shin-tiriska taariikhdu gaaro 2 da bisha September.

Bulshada caalamka ayaa waxay bogaadisay doorka ay dawladda Turkigu ka ciyaarayso ukala dabqaadista labada dal.

Inta uu joogo gudaha Itoobiya ayaa waxaa laga filayaa wasiir Fidan in uu wadahadlo horumar ku siyaadin kara kulanka dhexdhexadinta ee soo socda in uu la yeesho Itoobiya. Kulamadaas ayaa sidoo kale waxay ku saabsanana doonaan arimo ku saabsan xiriirka labada dal

.

Turkiga iyo Itoobiya

Dawladaha Turkiga iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo soo bilowday 1896 dii, ka hor inta aan la aasaasin Jamhuuriyadda Turkiga, sidaas waxaa sheegtay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu . Itoobiya ayaa meel muhiim ah uga taalla qorshaha Turkiga ee Afrika.

Safaaradda Turkiga ee Itoobiya ayaa waxaa la aasaasay danadkii 1926 dii, halka safaaradda Itoobiya ee Turkigana la aasaasay sanadkii 1933 dii, sida ay sheegtay wakaaladda Anadolu. safaaradda Itoobiya ee Turkiga ayaa la xiray sanadkii 1984 tii sababo la xiriray isbadal dhinac maamulka Turkiga ah, hadana waxaa la soo celiyay sanadkii 2006 dii.

Xilligaas wixii ka dambeeyay ayaa waxaa sare u kac ku yimid is waydaarsiga ganacsiga, waxaana sanadkii la soo dhaafay uu gaaray dakhliga labada wax isaga iibsadeen $345 milyan oo doolarka Maraykanka ah. Turkiga ayaa waxa uu sheegay in ay qorsheynayaan shanta sano ee soo socota in dhaqaalahaasi gaaro $1bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

Turkiga ayaa ka mid ah afarta dal ee ugu sareeya marka la eego maalgainta tooska ah ee dalalku ku sameeya Itoobiya. Madashii Ganacsiga Turkiga iyo Itoobiya ee bilowgii sanadkaan ka dhacay magaalada Istanbul ee Turkiga ayaa waxaa soo xaadiray 70 shirkadood oo itoobiyaanah iyo 250 shirkadood oo Turki ah.

.

Toban sano kahor, markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu cagta dhigay Muqdisho, isagoo ku tegay booqashadii ugu sarreysay ee hoggaamiye uu ku tago Soomaaliya ayaa waxay taasi indhaha caalamka u soo jiidday xaaladda daran ee bani’aadannimo ee ka jirtay dalkaas.

Markii uu sare u kacay xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya Turkiga iyo soomaaliya waxaa lagama maarmaan noqtay in la helo qaab badeecoyiinka Turkiga lagu geeyo gudaha soomaaliya.

Waxaa abuurmay shirkado badan oo dhanka tasiilaadka iyo alaabaha sidii lagu geyn lahaa Soomaaliya.

Balse bilowgii sanadkaan ayaa waxaa wax wayn iska badaleen qaabka iskaashiga labada dal, kadib markii ay kala saxiixdeen heshiis difaac iyo dhaqaale isugu jiray.

Wasaaaradda macdanta iyo tamarta ee Soomaliya ayaa bishii July ee aynu soo dhaafnay waxay dawladda Turkiga la saxiixatay heshiis shidaal qodis ah, kaas oo saddex xirmo oo shidaal ah idan loo siiyay dawladda Turkiga in ay qoddo kadibna soo saarto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*