26th July 2024  admin  Category :

Turkiga oo tijaabinaya midnimada Soomaaliya iyo Khayraadka Gobolada Sool iyo Sanaag oo la doonayo in la bililiqaysto.

 Wargeyska taageera dowladda Turkiga iyo xisbiga talada haya ee AKP ee Daily Sabax, ayaa baahiyey qormo uu ugu gafay madax-banaanida Soomaaliya, taasi oo uu ‘Waddan” ama dal ugu tilmaaamay maamulka SNM.

Daily Sabax, oo uu leeyahay nin ay saaxiibo yihiin madaxweyne Erdogan, ayaa warbixin uu ka baahiyay Deeq agab caafimaad ah oo dowladda Turkigu ay gaarsiisay SNM, gaar ahaan magaalada Hargeysa, ku tilmaamay mid ay dowladda Turkigu ay ugu deeqday dalka Somaliland.

Beesha Isaaq ayaa ku riyooda iyaga oo soo jeeda inay yihiin dal ka madax-banaan Soomaaliya, ayaa intiisa kale ka helin aqoonsi Caalami ah, iyada oo duniduna ula macaamisho sida maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.

Turkiga oo iyagu danaynaya Khayraadka Soomaaliya, ayaa aaminsan inay ku bedelan karaan Rooti ay siiyaan Hargaysa iyo Muqdisho

https://www.dailysabah.com/politics/turkey-supports-somaliland-in-its-fight-against-coronavirus/news

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz ayaa wareysi dheer oo uu siiyey laanta af-Soomaaliga ee VOA  ayaa sheegay dhowaan

in doorka Turkiga ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland uu yahay mid dhex dhexaad ah, balse Somaliland ay dalbatay oo kaliya in wada-hadallada loo dhigo qaab ka duwan sidii hore.

“Somaliland waxay codsatay in arrinta loo dhigo qaab ka duwan sidii hore, waxaana cadeynayaa Somaliland in aysan anaga na diidaneyn sababta oo ah Somaliland waxaa naga dhaxeeya wada shaqeyn ku saabsan mowduucan, ka sokow kalsoonida aan isku qabno, waxay codsadeen in hab ballaaran lagu wado arrintan, oo dhinacyo kale laga qeyb geliyo.”

“Anaga dhankeena mowduucan waan baarnay waxaana kala hadalnay dowladaha qaar,” ayuu yiri.

Safiirka Turkigu , ma sheegin waxay beesha Isaaq ka codsadeen waxa ay tahay, iyo magacyada Dawladaha oo arintan kala xiriiray.

Safiirka Turkiga ee  Soomaaliya Mehmet Yılmaz, ayaa sidoo kale wareysigan dheer uu siiyey VOA faah-faahin ka bixiyey qorshaha Turkiga uu shidaal uga soo saarayo Soomaaliya, kadib markii madaxweyne Erdogan uu shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay sidaas ka dalbatay.

“Bishii maarso ee sanadkii 2019-kii waxaa Turkiga iskugu tegay oo ku shiray, wasiirka Batroolka Soomaaliya iyo wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah, waxaana kulankaas xoogga lagu saaray sii adkeynta xiriira labada dhinac iyo sidii horay loogu sii amba qaadi lahaa, sidoo kale wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya waxa uu la kulamay shirkadeheenna dhanka ganacsiga”ayuu yiri Mehmet Yılmaz.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Hadafka kulanku waxa uu ahaa iskaashi dhex mara labada dhinac, hadii ay ahaan laheyd Macdan baaris, xoojinta dhan awooda iyo farsamada wasaaradda iyo sidii shirkadaha gaarka ah ee aan dowliga aheyn ay u maal gashan lahaayeen dhinacyadaas aan soo sheegnay ee Soomaaliya.

“Waxaan xusayaa in wasiirku uu shirkadahaas ku casuumay in ay baaritaan ku sameeyaan Macdanta iyo dhinacyada kaleba, waxaana la is weydiiyey miyaanaa is kaashi ka sameyn kareyn Batroolka iyo Gaaska dabiiciga ah, waxaana soo baxday jawaab ah in dhinacyadaas aan is kaashan karno, waxaana aaminsanahay in ay muhiim tahay in labada dhinac ay is kaashadaan oo ay wada faa’iidaan”.

Ad by Valueimpression

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*