26th March 2024  admin  Category :

Xabad Tufaax ah oo bilash ah ayaa u keentay in lagu  ganaaxo $500

Crystal Tadlock  oo ka soo jeeda Colorado dalka  Maraykanka ayaa fasax u aaday dalka Faransiiska,  markii ay ka soo laabatay Faransiiska oo ay u soo socotay dalkeeda, ayaa diyaaraddii soo qaaday ee Delta waxay siisay xabad Tufaax ah oo bac ku jirta.

Markii ay soo gaartay garoonka diyaaradaha dalkeeda oo la baarayey  , ayaa waxa laga helay Xabad Tufaax ah oo bacaysan kuna taalo calaamadda Delta. Askarigii ayaa waydiiyey Tufaaxa ay wadato waxa uu yahay?.  Waxay u sheegtay in Diyaaraddii siday ee Dalta ay hawada ku  soo siisay, hase ahaatee ayna markaas gaajoonayn oo ay boorsada ku ridatay,  Asakarigii mar labaad ayy   waydiiyey inuu qaali ahaa  kharashka kaga soo  baxay dalxiiskii ay u baxday. Haa ayeey ugu jawaabtay “He had asked me if my trip to France was expensive and I said, ‘Yeah. “Waxa ku xigtay hoo bariiska iyo in lay  siiyo $500 oo ganaax ah sababtoo cunto aan sharciyeesnayn ayaan soo geliyey Maraykanka ayeey tiri”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*