7th September 2024  admin  Category :

Todobo iyo tobanka (17) qodob ee Dhuusamareeb, kasoo baxay. Qore Mahad Geele

Todobo iyo tobanka (17) qodob ee Dhuusamareeb, kasoo baxay. Sagaal (9) kamid ah waa iska hor imaanayaan. Saddex (3) macquul maahan. Labo (2) waa dhalanteed.

(1) In ergada beelaha la iskugu dhafo kaddibna wadajir dhowrkii xildhibaan ba loo doorto

(2) Doorashadu hal maalin ku dhacdo dalka oo dhan iyo

(3) In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga dambeyn doono Guddiga Doorashada.

Saddexdaas qodob wax badan ayaa kasoo noqonaya, sida ay tahayna uma dhaqan geli doonaan.

Labo qodob waa dhalanteed;

(1) In doorashada wakhtigeeda ku dhacdo waa dhalanteed aan dhab noqon doonin. Wakhtiga haray ayaana hubanti ka dhigaya in labo (2) sano madaxa la gelin doono ayada oo la isku dhagan yahay iyo
(2) In hannaanka xisbiyada badan lagu galayo doorashada.

Guud ahaan qodobada soo baxay waa waxii aan ku talineynay saddexdii (3) sano ee la soo dhaafay. Madaxweyne Maxamed Cabdulaaji Farmaajo , hadda ayuu saaxiga keennay. Darbiga uu dhabarka saarey iyo in doorasho silloon uu saacad la kala tagay aqbalo. Taas, ayaa fariin kale diraysa iyo in Farmaajo, halkii Madaxweyne Xasan Sheekh maray!

Qodobada qaar sharciga doorashooyinka iyo dastuurka ayey ka hor imaanayaan. Hayeeshee, maa calaysh ayey carabtu dhahdaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*