29th April 2024  admin  Category :

Waxaa la shaaciyay tobanka magaalo ee ugu nolosha wanaagsan dunida oo dhan, kaddib qiimeyn la sameeyay.

Qiimeynta oo dhinacyo kala duwan oo nolosha ah lagu saleeyay ayaa waxaa kaalmaha hore ku soo baxay magaalooyin ku yaalla Galbeedka Yurub, Canada iyo Australia.

Waxaa lagu soo warramayaa in fayriska Corona uu si u saameeyay liiska magaalooyinka iyo sida ay kaalimaha u kala galeen.

Magaalada Vienna ee caasimadda dalka Austria ayaa loo magacaabay magaalada ugu nolosha wanaagsan caalamka.

Waxaa ku soo xiga oo kaalinta labaad iyo saddexaad ku kala jira Copenhagen, oo caasimadda Denmark ah iyo Zurich oo Switzerland ah.

Calgary iyo Vancouver, oo ah magaalooyin ku yaalla dalka Canada ayaa galay kaalinta afaraad.

Magaalada Geneva ee caasimadda labaad ee Switzerland, Frankfurt oo Jarmalka ah, Toronto oo Canada ah, Amsterdam oo Netherlands ah, Osaka oo Jarmalka ah iyo Melbourne oo ah caasimadda Australia ayaa soo galay liiska tobanka kaalmood ee ugu horeeya.

Sida laga soo xigtay hay’adda sahminta dhaqaalaha ee magaceeda loo soo gaabiyo (EIU), oo qiimeyntan ku sameysay magaalooyinkaas, arrimaha la eegay waxaa ku jira, xasilloonida, kaabeyaasha dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada iyo helista daryeelka caafimaadka.

Dagaalka Ukraine dartiis, qiimeyn laguma sameyn magaalada Kiev ee caasimadda dalkaasi. Colaaddaas waxay sidoo kale saameysay magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka iyo St. Petersburg, maaddaama uu Ruushku dagaal kula jiro Ukrine.

Dagaalkaas ayaa sidoo kale sababay inay hoos ugu soo dhacaan kaalmihii ay ku jireen magaalooyinka ku yaalla Bariga Yurub.

Kaalmaha hoose ee qiimeynta waxaa soo galay magaalooyinka Dimishiq, Tripoli iyo Lagos. Waxaa lala xiriiriyay sababo deggenaasho-la’aan, argagaxiso iyo colaado dalalkaas ka jira. 

Dhanka kale, 33 magaalo oo cusub ayaa lagu soo daray qiimeynta sanadkan. 

Waxaa sidoo kale la shaaciyay magaalooyin ay isbeddello ku yimaadeen xaaladaha nololeed. Magaalooyinkan ayaa badakood ku yaalla Galbeedka Yurub sida Jarmalka, UK, iyo Fransiiska.

Frankfurt waxay sanadkii hore ku jirtay kaalinta 32-aad, waxayna hadda gashay kaalinta toddobaad. 

Hamburg waxay sare uga soo kacday kaalinta 31-aad, waxayna gashay kaalinta 16-aad.

Liiska tobanka magaalo ee ugu nolosha wanaagsan caalamka

1. Vienna, Austria

2. Copenhagen, Denmark

3. Zurich, Switzerland

4. Calgary, Canada

5. Vancouver, Canada

6. Geneva, Switzerland 

7. Frankfurt, Germany

8. Toronto, Canada

9. Amsterdam, Netherlands

10. Osaka, Japan

Liiska tobanka magaalo ee ugu nolosha liita caalamka

1. Damascus, Syria

2. Lagos, Nigeria

3. Tripoli, Libya

4. Algiers, Algeria

5. Karachi, Pakistan

6. Port Moresby, Papua New Guinea 

7. Dhaka, Bangladesh

8. Harare, Zimbabwe 

9. Douala, Cameroon 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*