16th September 2024  admin  Category :

Toban qodob oo kasoo baxay wadahadalladii Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay qalabeyso ciidankeeda si ay wax uga qabato khatarta Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan goor dhaweyd ay wadajir ah u soo saareen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Warsaxaafadeedkan oo ka kooban 10 qodob ayaa sidoo lagu sheegay inay ku heshiiyeen ‘in la kobciyo lana xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee ku salaysan ixtiraamka madax-banaanida dhuleed ee labada dal.”

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in la faray hay’adaha amniga ee labada dal inay iska kaashadaan qaabkii ay isku dhaafsan lahaayeen xogaha, isla markaana ula dagaallami lahaayeen waxa ay ugu yeereen ‘cadowga labada dal’

Hoggaamiyehaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale bayaankan ku sheegay inay ku faraxsan yihiin howlgallada ciidamada xoogga dalka ee ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaas oo ka socda gobollada Hiiraan iyo Galmudug.

Bayaankan ayaa sidoo lagu sheegay in labada dowladood ay sameyn doonaan guddi wasiirro isku dhaf ah oo ka shaqeeya danaha labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isku raacay ballaarinta gacansiga, dhaqaalaha, kaabayaasha dhaqaalaha, isgaarsiinta, iyo iskaashiga siyaasadda iyo amniga.

Arrimaha abaaraha iyo isbedel cimilada ayay sidoo kale isla soo qaadeen labada hoggaamiye, iyaga oo ugu baaqay bulshada caalamka inay kordhiso taageeradeeda wax ka qabashada abaaraha gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*