20th September 2024  admin  Category :

Labadii jeer ee Beelweynta Dhulbahante ku dhawaaqeen maamulladii SSC iyo Khaatumo ee kala dambbeeyey ,waxa jirey khaladaad farsamo.Labada jeerba iyadoon degaankii la xorayn ama gacanta lagu dhigin baa la bilaabay dhisme dawladeed iyo maamul.

Arrimahaasi waxay keeneen tabashooyin iyo waxkala tirsi dhexdiinna ah.

Tabashooyinkaas iyo faragelintii maamullada hareeraha baa dhabarjab ku noqotay inay hirgalaan nidaamyadii Khaatumo iyo SSC.Waxa la yiri: Qofka muslinka ah laba jeer god lagama wada qaniino.Maanta ,Waxan dhulbahante kula talinayaa inay qaladaadkaas hore u dhacay ka taxadiraan:

1-Waa inaad awooddiina saartaan sidaad degaannada SSC uga xorayn lahaydeen Maamulka Somaliland ama SNM.

2-Waa inaydaan ku degdegin dhisme maamul inta degaanku xoroobayo guud ahaan.

3-Hadday qorshaha idiinku jirto inaad beelo ama degaanno kale maamul la wadaagtaan ( sida reer Maakhir iwm) waa inaad xidhiidh la samaysaan intaydaan dawlad -goboleed dhisin.

Waxan si tolnnimo leh idiinku bogaadinayaa, midnnimada iyo wadajirka aad ku talaabsateenWixii rag u kaco, Rabbina aqbalo waa rumoobaan.Intaas baan kusoo koobayaa, markan.

Waxa qoray :Maxamuud Xasan Hidiidaa ( Eng. Qawaacid), oo ka mid ah aqonyahanada beesha Warsangeli, oo haddii labada beelood ay maamul wada samaysanayaan ka mid noqon doona ama hogaamin doona ergada ka socota beesha Warsangeli

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*