27th July 2024  admin  Category :

 

Labo sano ka hor Taliyihii Ciidanka Puntland Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Afguduud),   ayaa ka codsaday taliyihii Ciidanka Birmadka Puntland Cabdirisaaq xasan Cuuke (Afdolow)  tirakoobka Ciidanka uu xukumo, oo  uu kaga  mushahaar qaato dawladda Puntland.

Afdolow, oo markii ugu horaysay  uu ka yimid  magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug, shaqo ka bilaabay maqaaxi ku dhex taalay  dekedda Boosaaso, oo aan lahayn khibrad ciidan ayaa jeclaysan waayey isaga oo ka yimid Mudug inuu su’aal noocan oo kale ah uu waydiiyo nin ka soo jeeda beelaha kuwa aan tiradoodu badnayn.

Afdalow, markiiba  wuxuu bilaabay inuu xabadeeyo taliyihii tirakoobka ciidankiisa waydiiyey

Wasiirkii hore  Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab iyo Gudoomiyaha Gobalka Bari ayaa ku dhaawacmay rasaastii uu riday Afdowlow maalintaas,  oo uu ku doonayey inuu ku dilo taliyaha waydiiyey Tirakoobka ciidankiisa .

Is raasayntaas ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Cali Xuun iyo 6 askari oo ka tirsan Ciidamadda Puntland.

Ninkii Caynkaas ahaa oo dhaawacay Wasiirkii hore ee  amniga Puntland , taliyihii booliiska, gudoomiye ku xigeenkii gobolka Bari, halisna geliyey Bulshada reer Boosaasood ayaa qaab qabiil maanta waxa  loogu magcabay taliye ku xigeenka Booliiska Puntland, halka Taliyihiisii hore ee ciidanka Puntland oo  ka soo jeeday beelaha aan tiradoodu badnayn oo shaqasiisa gudanayey uu isagu ilaa maanta  shqo l’ayahay

Ugu danbayntii maanta hadaad is waydiinayso mee Ciidankii Puntland”. Waxaad ogaataa inay ahaayeen kuwo lagu mushahaar qaato oo qura. Waana sababta qorigii beeshaadu lahayd maanta laguu waydiinayaa

Madaxweynaha dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Datuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:                Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1-Waxaa  S/GUUTO Cabdulaahi Shire[Dool] loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.

2- Waxaa  G/Sare Bile Faarax Cali loo magcaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

3- Waxaa   G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magcaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

 

Labo sano ka hor Cabdirisaaq xasan Cuuke (Afdolow) oo ahaa taliyihii Ciidanka Birmadka Puntland, ayaa taliyihiisii Ciidanka Puntland Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Afguduud

Xeer-Madaxweyne-xilkaqaadis-Taliyayaal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*