26th April 2024  admin  Category :

Taliyaha Ciidanka Difaaca Aaga Golis – Puntland  oo kor-meer shaqo ku taggay fariisimaha ciidamada difaaca

Gaashaanle Sare Saciid Nuur Shire Taliyaha Ciidamada difaaca dawlad Goboleedka Puntland ee silsilada Golis, ayaa kormeer shaqo ku taggay qaar ka mid ah fariisimaha iyo goobaha kale ee shaqo ay ku sugan-yihiin ciidamadu ee buuralayda silsilada Golis, waxa uu u kuur-gallay habka ay shaqadu u socoto iyo dadaalada ay ciidamadu ku sifaynayaan haraadiga kooxaha Burcad-Diimeedka ah ee ku dhuumaalaysanaya buuraha silsilada Golis.

Taliyaha ayaa warbixino ka dhagaystay saraakiisha ciidanka hoggaaminaysa, waxa ayna la wadaageen guulaha ay ka gaareen la dagaalanka kooxahaas, goobaha ay ciidamada gacanta ku dhigeen maalmihii lasoo dhaafay iyo hawl-galadda kale ee qorshaysan.

Taliye Saciid ayaa ku dhiiri-geliyay ciidanka hawsha adag  ee ay hayaan iyo waajibaadka qaran ee ay gudanayaan, waxa uu tilmaamey in ay ka guulaysan doonaan kooxaha argagixisada ah, ciidamada difaaca dawlada Puntland ee silsilada Golis-na ay ka go’antahay soo af-jarista tirada kooban ee ka hartay kooxaha Burcad-Diimeedka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*