18th April 2024  admin  Category :

Bukaan ka soo jeeda Beesha Warsangeli, oo suuxdin ku jira oo qalabkii Hawada u fududaynayey ku xiran yahay ayaa mid ka mid ah Saraakiisha Muqdisho Cisbitaalka kala Baxay oo u kaxaystay Xabsi, sidaasna ku geeriyooday

Taliyaha Xabsiga Dhexe Sarreeye Guute Maxamed Shiikh Xirsiile ayaa lagu eedeeyey inuu mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho kala soo baxay bukaan Xabsiga Dhexe ku xanuunsaday oo ay dhakhaatiirta Xabsiga sheegeen inaan wax looga qaban karin isbitaalka ku yaal gudaha xabsiga.

Qoyska Bukaanka ayaa sheegay in Taliyaha Xabsiga Dhexe oo adeegsanayo awood ciidan uu xoog ku galay Isbitaalka uu Bukaanka jiifay, waxayna sheegeen inuu bukaanka ku qaatay mid ka mid ah Gawaarida gargaarka oo laga leeyahay Xabsiga Dhexe, isla markaasna ay ku buufsan tahay calaamadda Ciidamada Asluubta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*