26th July 2024  admin  Category :

Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Bille C/rixmaan ayaa Ku dhaawacmay rasaas uu riday Taliyaha Booliska Puntland ka dib muran ka dhashay shir ay lahaayeen Laamaha amaanka iyo maamulka Gobolka Nugaal Taliyaha Booliska C/qaadir Shire faarax (Erag) ayaa isticmaalay Bastoolad ka dib gacan ka hadal dhexmaray isaga iyo Gudoomiyaha gobolka Nugaal Omar Abdulahi Faraweyne waxaana dhaawac lugta ah ka soo gaaray Taliye ku xigeenka booliska sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal .

Goobta Falku ka dhacay waxaa ku shirayey Wasiirka Amniga. Taliyaha Booliska iyo ku xigeenkiisa ,Taliyaha la dagaalanka Argagixisada,  Gudoomiyaha gobolka nugaal iyo Taliyaha qaybta bopliska Nugaal .

Sidaan oo kale Gacan ka hadal dhexmaray Taliyihii hore ee Booliska iyo Taliyahii Birmadka 05/05/2016 ayaa dhawac ku dhawacmay wasiirkii amniga ee xiligaas Cabdi Cali (Qarjab ) iyadoo dhimasho iyo dhawac ka soo gaaray Ciidanka Puntland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*