27th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 48, 31-da August 2022, ku magacaabay Taliyaha iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha, Taliye Xigeenka 1-aad , Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Asluubta.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowlad Goboleedka Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Cabdullaahi Cismaan Libaan loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowlad Goboleedka Puntland.

3. Waxaa S/Guuto Cabdulqaadir Axmed-Khayr Muuse loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Asluubta Dowlad Goboleedka Puntland.

4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*