27th April 2024  admin  Category :

Taliska Qeybta Booliska ee Gobalka Bari ayaa soo bandhigay xaashiish ka kooban laba kiilo iyo gaariigii waday oo ciidamada amaanku ku qabteen kantaroolka laga soogalo magaalada Boosaaso.

Ciidamada amaanka waxaa sidookale u suurtagashay soo qabashada shaqsiyaadkii waday Iyo kuwii ay u wadeen oo ku sugnaa gudaha magaalada Boosaaso .

Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo ah Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Barri ayaa sheegay in ciidamada kantaroolka magaalada Boosaaso u suurtagashay soo qabashada maandooriyahaan

Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo ku sugnaa madasha lagu soo bandhigayey maandooriyahaan ayaa amaan u soo jeediyey dhammaan laamaha amaanka ,waxaana uu ku bogaadiyey shaqada ay hayaan .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*