31st January 2023  admin  Category :

Ka qayb galka aaska Hooyadiis ayuu u socday, isagii ayaa shil gaari ku dhintay

Allah ha u naxariistee Waxa maanta Jidka Ceel Daahir shil Gaari ugu geeriyooday Allah ha u naxariistee Xildhibaan Ai Axmed Dhahar oo ka mid ahaa Baarlamaanka Puntland, isaga oo ku jeeday aaska hooyadiis Raxmo Ciise Ramaadin oo maanta ku geeriyootay dagmada Badan.

Bahda  Allsanaag, waxay  tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan bulshada Puntland, Reer Maakhir,  qoyskii,  eheladii,   iyo qaraabadii ay   ka geeriyoodeen Allah ha u wada naxariistee  Raxmo Ciise Ramaadin iyo Wiilkeedii aad u jeclaa Ali Axmed Dhahar.

Waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabtoodana  midigta ka siiyo, qoyskii iyo eheladii ay   ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah  ka siiyo, Aammiin, Aammiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*