20th December 2024 admin Category :
Bahda Allsanaag, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan \maamulka Puntland, Bulshada Maakhir ,Golaha wakiilada Puntland , qoyskii, eheladii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Maxamed Cali Guleed oo horay uga mid ahaa Baarlamaanka Puntland , lagana soo dooran jiray gobolka Sanaag
Marxuum Maxamed Cali Guleed , waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii UU ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah ka siiyo, Aammiin, Aammiin.
ALLSANAAG.COM