26th July 2024  admin  Category :

Bahda Allsanaag , waxaan annaga oo aad iyo aad uga tiiraanyaysan tacsi u direynaa dhammaan beesha reer Maakhir Geerida naxdinta lehee ku timid Allaha ha wada naxariistee Abwaankii caanka ahaa Maxamed Axmed Dirir Hawabiin oo saaka ku geeriyooday magaalada Buraan iyo Yusuf Maxamed Faraax (BALAAYIR), oo maalmo ka hor isaguna ku geeriyooday Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Qoysaskii ay ka tageen iyo dhammaan qaraabadiiba waxaan u direynaa tacsi, iyo in ilaah samir iyo imaan ka siiyo, iyagana jannaddi fardowsa hoy uga dhigo.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*