29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Putland ayaa KA TACSIYEEYAY GEERIDA AHUN GUDDOOMIYE KU-XIGEENKII GOBOLKA BARI AXMED CALI (CIRRO). INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u Naxariistee Guddoomiye Ku-xigeenkii koowaad ee gobolka Bari Marxuum Axmed Cali Cabdullaahi (Cirro) oo ku geeriyoodey Muqdisho.

“Waxaan tiiraanyada iyo xanuunka geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Cirro la qaybsanayaa dhammaan shacabka Puntland ee Soomaaliyeed, Maamulka Gobolka Bari, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.Marxuum Axmed Cali Cabdullaahi (Cirro) Guddoomiye Ku-xigeenkii Koowaad ee gobolka Bari, wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay Puntland, wuxuu hore usoo noqday Guddoomiye ku-xigeenka degmada Xaafuun, sidoo kale wuxuu ahaa Ganacsade arrimaha Bulshada kasoo shaqeeyay, runtii waa tiir adag oo ka baxay Puntland, gaar ahaan gobolka Bari.

Waxaan Alle “SWC” uga baryayaa inuu hoy uga dhigo Jannatul Fardawsa, dembigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. Aamiin”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*