16th April 2024  admin  Category :

Maxammed Axmed Tafadal waxa uu ku dhashay magaallada Laasqoray, waxbarashiidiisii qur’aanka ayuu ku qaatay gobolka Sanaag kadib ayuu u safray magaallada Cadan ee dalka Yaman halkaas ayuu kaga baxay dugsigiisii hoose, dhexe iyo sareba.

Markii uu dhamaystay dugsiga sare ayuu u hayaamay dalkaas Lubnaan isagoo ka qalinjabiyay Jaamacadda Bayruut ee dalka Lubnaan sannadku markuu ahaa 1964, wuxuuna ka diyaariyey kulliyadda Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

Allah ha u naxariistee Tafadal waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee waxbarta kadib xornimada dalka.

Maxamed ayaa ka soo jeeday qoys waxbarashada jecel, aabbihii ayaa ahaa Caaqil ku dhex jiray arrimaha dhaqanka iyo nabadaynta.

Caaqil Tafadal ayaa hadda loogu magac daray dugsi ku yaalla magaallada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag.Maxamed ayaa xilal badan ka soo qabtay dawladihii kala danbeeyay ee Soomaaliya.

Sannadku markuu ahaa 1965-tii ayuu noqday agaasimaha wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, waxa uuna wakiil uga noqday dalal dhowr rugta ganacsiga Soomaaliya, isagoo uga wareegay wasaaradda arrimaha dibadda xilal badanna ka soo qabtay wuxuuna qunsul iyo safiiro ka noqday dalalka Bulgaariya, Jarmalka Bari, Yaman, Jabaan isaga oo Safiirna ka noqday Roomaaniya waqtigii ay dawladdii kacaanku sii dhacaysay.

Burburkii ka dib dalka ayuu Maxamed dib ugu soo noqday dalka waxa uuna ka mid ahaa odayaashii gacanta ka gaystay aas aaskii Puntland iyo dib u heshiisiintiiba, waxaa uunna noqday wasiirkii Waxbarashada Puntland ee waqtigii dawladdii AHUN Cabdullaahi Yuusuf.

Allah ha u naxariiste Maxamed wax ubad ah adduunka kagama uusan tagin, maanta oo ay taariikhdu tahay 23-Jan-2021 ayuu ku geeriyooday magaallada Muqdisho oo uu dhawaanahan ku xanuunsanayey, Raxmaanku ha’u naxariisto ehelkiisana samir iyo iimaan haka siiyo.

Taariikhda marxuunka badankeed waxaan ka helay Adeer Cabdikariin Cali Garaad oo ay saaxiib dhow ahaayeen, isagana Alle samir iyo iimaan haka siiyo.

BY: Ahmed Abdirahman Osman

Allsanaag..com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*