20th September 2024  admin  Category :

Tababaraha xulka qaranka Morocco Walid Regragui ayaa sheegay in qof kasta uu u jecel yahay kooxdiisa isla markaana ay dadaal muujiyeen.

“Waxaan noqonay koox uu qof kasta jecel yahay , waxaan muujinnay waxa aan kuu guuleysan karno”

“Ma ahan arrin mucjiso ah-laga yaabaa in dadka Yurub ay sidaas qabaan sababta oo ah waxaa ka adkaannay Bortuqiiska, Spain, Belgium waxaan barbardhac la galnay Croatia anagoo wax guuldarro ah gaarin, waa natiijo ku timid shaqo adag iyo dadaal” ayuu yiri tababaraha xulka qaranka.

Xulka qaranka ee Morocco ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee ka socda Afrika ee gaara wareegga nus dhammaadka ee ciyaaraha Koobka Adduunka kadib markii ay xaley 1-0 uga badiyeen xulka Bortuqiiska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*