29th March 2024  admin  Category :

Xaaska Dalxa oo la siiyey Kursigii gobolka Sanaag.

Xildhibaankii aqalka sare ee gobolka Sanaag, ayaa la siiyey Nuuro Faarax Jaamac oo ka soo jeeda beesha Habar yoonis ee Isaaq, ahna xaaska  Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, waxaana u fududeeyey in kursiga aqalka sare ee gobolka Sanaag sidan lagu qaato Caasho Axmed Cabdale oo u caraysan beesha Warsangeli ka dib marki ay ka mid noqon wayday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Intii doorashooyinka xildhibaanada Soomaaliya la qabanayey,  ayaa maanta markii ugu horaysay  waxa la wada tartansiiyey musharaxiin  ka soo wada jeeda labada  beelood ee Daarood iyo Isaaq

Gudiga loo saaray in musharaxiintan ay   kala saaraan  ayaa waxay   ka koobnaayeen  7. Shan ka mid ah waxay ka soo jeedeen beesha Isaaq, Labada kalena waxay ka soo jeedeen beesha  Gudabiirsay.  Marka laysku darona guddigan todobada ahi waxay ka soo wada jeedeen beesha Dirta waqooyi

Sidoo kale dadkii  codaynayey maanta  ayaa ka koobnaa 43 xubnood oo ka soo wada  jeeday  Dirta waqooyi . 38 xubnood waxay u codeeyeen Xaaska Xildhibaan Dalxe. Caasha Cabdale waa ogeed in haddi ayna ka qayb gelin doorashadII maanta la qabtay in xitaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya uu  shaki ku jiray inay qabsoonto. Hase ahaatee waa ka qayb gashay, Hal codna ma helin. Waana sidii ay doonayeen  Jaamac Yare iyo kooxdiisu.

Jaamac Yare, oo ah nin ku caan baxay baxay nacaybka beesha Warsangeli, hase ahaatee ay dhaleen oo Guddigan todobada madax u ah ayaa si kursigan u siiyo beesha Garxejis wuxuu adeegsaday Caasha Axmed Cabdale.

Ma jirin siyaasi kale oo ka soo jeeday   beesha Warsangeli oo doonayey in kursiga Aqalka Sanaag ee gobolka Sanaag uu kula tartamo Qori jarato iyo cid kale toona.

Ugu danbayntii Kursigan aqalka sare ee GOBOLKA SANAAG   in beesha Warsangeli in  ayna  helin waxa laga soo go’aamiyey guriga Ismaaciil xaaji Nuur ee magaalada  Ceerigaabo , waxaana maalgeliyey maamulka SNM, waxaana loo adeegsaday Caasho Cabdale inay fuliso.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN GADAAL AYAAN IDIIN KA SOO QORAYNA

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*