29th March 2024  admin  Category :

Intabadan Xarumaha Ganacsiga ee Magaalada Boosaso Ayaa Maanta Xiran,iyadoona Ciidamada Amaanku Ay Xireen Qaar Kamid Ah Goobaha Ganacsiga.

Ganacsatada ayaa Sameeyay Gadood ay Ku Joojiyeen Dhamaan Shaqooyinkoodii, Waxeyna Ka Cabanayaan Canshuur Dheeraad ah Oo Dowladdu Ku Soo Rogtay.

Waxey sheegayan in Dowladdu Ay Canshuur Dheeraad ah saareen Goobaha Ay Daganyihiin iyo Shaqaalahooda.

Wasaarada Maaliyadu Wali Kama Hadlin Arintaan, Waxaase Wali Dadka Danyarta ah ay Ka Cabanayaan Sicir Barar Baahsan Oo Ka Jira Deegaanada Puntland,taas oo ay sabab u tahay Lacag Faalso ah oo Xukuumadu Suuqyada Puntland ay soo gelisay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*