27th April 2024  admin  Category :

Allah ha u naxariistee Xasan Xayle,  wuxuu ahaa abwaan Soomaaliyeed oo horaantii qarnigii 19aad ku noolaa magaalooyinka Laasqoray oo ahayd xaruntii dawladdii Saldanaddii  Warsangeli iyo magaalada Cadan ee Xarunta Yamen.

Gabayadii Xasan Xayle mid ka mid ah,  oo uu tiriyey dagaalkii kowaad ee aduunka,  uuna  u tiriyey Niman ka soo jeeday beeshiisa Warsangeli  oo dhalinyaranimadoodii  diiday inay dalka dib ugu soo laabtaan, oo hoy ka dhigtay Yamen, Ingiriis iyo Maraykan.  Lakiinse markii ay waayeel noqdeen  oo socon kari waayeen  ayeey  Laasqoray dib ugu soo noqdeen  , markaas ayuu abwaanku wuxuu ka tiriyey gabaygii caanka noqday ee  “Laasqoray ninkii diidi jiray daniba waa keeni”

Maanta gabaygii Xasan Xayle tiriyry dagaalkii kowaad ee aduunka , ayaa SNM lagu amaanayaa oo lagu raali gelinayaa si xil looga helo. Gabaygu wuxuu ahaa  “Laasqoray ninkii diidi jiray daniba waa keeni” Waxaana  loo bedelay Isaaq ninkii diidi jiray daniba waa keeni

Gabay waxa bedelay Maxamed Siciid gees, oo ka soo jeeda Laasqoray.  Waxaanu ku leenahay “Laasqoray ninkii diidi jiray daniba waa keeni”

Gabay kale oo ka mid ah gabayaddii Allah ha u naxariistee Xasan Xayle

Cishadaan ka degey Laasqoray cabatay dhowr jeere
Waxan idhi maxaad la cartantoo kuugu culus maanta
Waxay tiri kuwii cid iigu xigey wayga carareene
Waxay tiri cirooliyo wadaad ima ciseeyaane
Waxay tiri caruurtaan dhalay Cadan u dhooofsheene
Waxay tiri haddii lay camiro waan abaal celine
Ciidayda keliyaan malyuun cadad la siisteene
Badda ceeligeediyo marsadu waa I caawiyine
Maruun bay maraakiib camiran caasha soo dhigane
Waxay tiri caddaan iyo madow coonka waa imane
Waxay tiri kuweer cararayow ceelkii waa aniy
e….

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*