18th July 2026  admin  Category :

Xafladdii Suldaanka Beel waynta Warsangeli ee lagu qaban lahaa dalka Jabuuti ayaa dib u dhacday.

Xaflad dalka Jabuuti loogu qaban lahaa Suldaanka beesha Warsangeli ee dalalka Djibouti, Ethiopia, Somaliya iyo Eritrea oo dhowaan lagu caleemo saaray dalka Itoobiya Suldaan Cali Maxamed ayaa dib u dhacday , waxaana u sabab ah labo arimood :

Marka hore maalmahan waxa ka socday dalka Jabuuti xafladdii caleemo saarka madaxweynaha ee dhowaan dib loo doortay. Arinta labaad ayaa ah in mar kale dib loo doortay Raisul wasaarihii horay xilka u hayey Abdoulkader Kamil. oo ka soo jeeda beesha Warsangeli ee Suldaanku yahay, waxaana socdy xaflado soo dhowaynta Raisul wasaaraha oo dalka Jabuuti lagu qabanayey

Suldaanka Geeska Africa suldaan Cali ayaa Bulshada uu Suldaanka u yahay ay ku nool yihiin inta badan geeska Afrika oo qaarkood ka yihiin madaxda sare ee dalalkaas . waxaana ka mid ah Ra’isulwasaarha Jabuuti iyo Wasiirka gaashaandhiga Itoobiya Caasho Maxamed.

Ugu danbayntii Suldan Siciid iyo Suldan Cali iyaguna telefoon ayeey ku wada xiriireen, waxayna ka wada hadleen arimo dhowr ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*