16th July 2026  admin  Category :

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa caawa hoygiisa ku booqday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire.

Kulanka oo ahaa mid Salaan iyo is xog-wareysi Xaalada guud Ee Dalka, ayaa Guddoomiyuhu ku muujiyey qadarin iyo tixgelin uu u hayo isimada dhaqanka iyo doorka muuqda ee ay ku leeyihiin nabadda, midnimada iyo xasiloonida bulshada Puntland.

Sidoo kale, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha booqashada iyo xiriirka joogtada ah ee uu la leeyahay isimada dhaqanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*