20th November 2024 admin Category :
Madaxweyne Culusoow oo hogaankiisu mar kale ka dhigay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasaqa badan
Qiimeynta sanadlaha ah ee laga sameeyey 2022 heerka musuqmaasuqa oo ay sameysay hay’adda Transparency International ayaa muujinaya in dalalka badankoodu ay ku guuldarresyteen in ay joojiyaan musuqmaasuqa.
Hay’adda ayaa 180 dal ku samaysay badhintaan loo raacayey heerer la isla yaqaan oo loogu talagalay in lagu cabbiro, heerka musuqmaasuq ee dalkaas ka jira. Taas oo ka dhigan in kuwooda liiska hoos kaga jira ay la micno tahay in dalalkaasi ay yihiin kuwo uu musuqu aad u sarreeyo.
Haddaba dalalkaas, waxaa kaalinta ugu hoosaysa ku jrta Soomaaliya, taas oo qeexaysa in Soomaaliya ay tahay dalka ugu musuqa badan dalalkii haayaddaasi cabbirtay.
In ka badan saddex-meelood laba meel ayaa ka hooseeya heerka 50, halka 26 waddan ay hoos ugu dhaceen kaalmihii hore.
In kasta oo ay jiraan dadaallo wadajir ah iyo guulo adag oo ay gaadheen qaar ka mid ah dalalka adduunka, hadana 155 waddan ayaan wax horumar ah ka samayn la dagaalanka musuqmaasuqa , sida ku cad warbixinta ay samaysay hay’adda transparency international.
Waddamada ka hooseeya saxaraha ayaa kaalmaha ugu dambeeya kaga jira warbixinta heerka musuqmaasuqa ee ay soo saartay TI.
Dalka Soomaaliya ayaa kaalinta ugu dambeysa ka galay musuqmaasuqa , taasi oo minaheedu yahay inuu dalku yahay midka ugu musuqmaasuq badan caalamka.
Dalalka kale ee kaalimiha hoose ka soo galay heerka musuqmaasuqa waxaa ka mid ah Seychelles ,Burundi, Equatorial Guinea iyo South Sudan.
Marka la eego dalalka Carabta waxaa kaalimiha hoose ee heerka musuqmaasuqa soo galay dalalka Imaraadka, Qadar, Liibiya iyo suuriya.
Haddaba Soomaaliya inta badan waxay gaashaa kaalimaha ugu hooseeya marka la eego qiimeynta maxaa ugu wacan arrintaa maxayse yihiin waxyaabaha loo cuskado qiimeyntaa ay soo saarto Transparency International? Su’aashaas ayay BBC-da weydiisay Cabdi Nuur Cali Maxamed oo ah madaxa kulliyada Dhaqaalaha ee Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.
“Warbixinta saddex meelood ayaa laga soo qaadaa, bangiga adduunka iyo IMF. Waxaana laga cabbiraa oo la qiimeeyaa dakhliga soo galay dawladda sida ay u maaraysay, kharashka ay bixisay sida ay u bixisay iyo halkii ay mareen deeqihii dalka soo galay. Markaa waxaas oo dhan Soomaaliya ma cadda.” Ayuu yidhi Cabdinuur
“Waxyaabaha sannadkan dhacay Soomaaliya waxaa ka mid ah Baarlamaankii oo su’aalo ka weydiinaya wasiirka maaliyadda bajet-ka kuwaas oo aan qaarkood laga jawaabin, Xisaabiyaha guud waxa uu isna soo saaray lacag malaayiin dollar oo aan la xisaab celin, waxyaalahaas ayaa Iyana ka mid ah waxyaabaha la qiimeeyey,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabdinur.
Dhanka kale waxyaalaha la qiimeeyo ee uu sheegay waxaa ka mid ah, amniga, aaminaadda bulshada ee ay ka aamminsan taha musuqa, iyo sida loola dhaqmo qofka musuqa geysta.
Tan iyo markii la aasaasay 1995-kii, Tilmaanta Aragtida Musuqmaasuqa oo ah warbixinta sannadlaha ah ee qortay tilmaanta hormuudka u ah musuqmaasuqa caalamiga ah ee qaybaha dawladda.
Tirakoobkan ayaa ka kooban 180 waddan iyo dhulal adduunka oo dhan ah iyadoo lagu salaynayo fikradaha musuqmaasuqa ee hay’adaha dawladda, iyadoo la adeegsanayo xog laga helay 13 ilood ee u danbeeyey, oo ay ku jiraan Bangiga Adduunka, Madasha Dhaqaalaha Adduunka, shirkadaha khatarta ah iyo kuwa la-talinta, xarumaha cilmi-baarista iyo kuwa kale. Dhibcaha dalkastaa helo ayaa ka tarjumaya aragtida khubarada iyo ganacsatada.
Habka xisaabinta CPI si joogto ah ayaa dib loogu eegaa si loo hubiyo in ay tahay mid adag oo isku xidhan intii suurtogal ah.