16th April 2024  admin  Category :

Dadka Katalaanka (Catalan) ayaa ah dad degan dalka Spain, waxeeyna billaabeen ineey dalka Isbaanishka ka go’aan sannadkii 1922, mana jirto illaa iyo maanta wax go’itaan la yiraahdo oo u hirgelay ama ay hayaan.

Iyaga oo isku dayeya qaab kasta ayeey sanadkii 2017kii siyaasiyiinta Katalaaka waxeey sammeeyeen afti laga qaaday dadka gobolkaas, balse waxaa arrintaas ka hor yimid dawladda Isbaanishka.  Waxaa xabsiga loo taxaabay qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiintii Catalan, qaar ayaa dalka ka baxsaday, meesha Barcelona oo ah magaalada ugu weeyna la keenay ciidan. Wadamada Yurubtana waxeey sheegeen ineeysan taageersaneen in Catalan ay Spain ka go’do.

Sidoo kalle, Kurdiyiinta Ciraaq oo tacadiyo badan ka tirsanayey dawladdii la riday ee militariga, ayaa muddo aad u badan raadinayey sidii ay u goosan lahayeen, waxeeyna mas’uuliyiinta gobolkaas ay afti ka qaadeed shacabka Kurdistaan, balse arrintaas waxaa ganafka ku dhuftay dawladda dhexe ee Baqdaad, waxaana la dul dhigay Kurdiyiinta gobolkooda ciidan si loo joojiyo gooni goosatada.

Bal ka waran beel dooneeysa in dal dhan ay kalla jarto, iyadoo welliba dooneeysa ineey Ciise, Warsangeli, Dhulbahante iyo Gadabiirisi ay jeebka ku sii qaataan, markaasna la dhageeysto.

Hadaba, Madaxweeyne Farmaajo ayaa si kalgacal leh u dhageeystay gooni goosatada beeleeysan, meesha uu daaqadaha ka xirtay dadkii kalle oo dhan ee iyagu diyaarka u ahaa in dalka Soomaaliya aan la kalla jarin.

Haddii gooni goostayaasha Ciraaq iyo Spain la hor istaagay oo si cad loogu sheegay in aysan dalalkaas kalla jari karin, maxaa diiday in dawladda Soomaaliya ay iyana si cad ugu sheegto gooni goosatada beeleeysan ee dooneeysa in dalka Soomaaliya ay kalla jarto? Hadaba, wax xal ah lama gaari doono inta gooni goosatada madaxa loo sallaaxayo.

SOOMAALIYA WAXEEY U BAAHAN TAHAY HOGAAMIYE AAN DHAGEEYSAN GOONI GOOSTADA MAALAAYACNIGOODA, HALKU DHIGIISANA UU YAHAY, SOOMAALIYA LAMA KALA JARAYO.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*