18th December 2024 admin Category :
Qaar ka mid ah calooshood u shaqeeystayaasha ka soo kalla jeeda beelaha Godibiirsi, Dhulbahante iyo Warsangeli ee la jooga SNMta ayaa ka cabanaya saami qeeybsi.
Dad kalla goonaya dalka Soomaaliya, ma caddaalad ayaa laga sugayaa? Hadaba, golaha wakiilada ay sameeysteen beesha Isaaq ayaa ka kooban 82, Gudibiirse, Warsangeli iyo Dhulbahante waxaa ay golahaa dhan ku leeyihiin 16, meesha inta soo hadhay ee ah 66da ay qaateen beesha Isaaq.
Dad iyaga goosashada ka timid dhinacooda;
Sameeystay calan ay iyagu soo xardhadeen;
Lacag ay land ugu yeereen soo sammeeystay;
Sameeystay gobolo magacayadooda aan la garaneen meesha ay ka yimaadeen (Maroodi jeex, saaxil,);
Sameeystay seddex xisbi oo ilma adeer ah Wadani, Kulmiye, iyo Ucid;
Caasimadii ka dhigtay deegaankooda;
Lacagtii sadaqada ee adduunka ka timid 97 boqolkii ku dhistay dhulkooda;
Qaatay xilalki maamulka ugu muhiimsanaa oo dhan;
Go’aanka masiiriga ah gaara keligood;
Hadaba, waxaa la gudboon calooshood u shaqeeystayaasha la jooga SNMta ineeysan waqtiga aysan isaga lumin Hargeeysa iyo maamulka beelaha Isaaq, taa beddelkeeda ay Soomaaliweeyn dhinac ka soo raacaan.