29th March 2024  admin  Category :

Maxaad ku haystaan Puntland oo aad ku taageeraysaan?

Bulshada ku nool gobolada Sool iyo Sanaag ee sheegta inay ka mid yihiin maamulka puntland, ayaa maalmahan danbe waxay arkayaan maamulkii SNM ee sheegan jiray degaanadooda, mararka qarkoodna soo weerari jiray si ay xoog ugu qabsadaan sida ay qaarkood hadda xoog ugu haystaan oo sii xoogsanaya iyaga oo samaynaya xiriir caalami ah oo ayna hore u lahayn

Xiriirkaas ay maamulka SNM la samaynaynaan dalalka Bariga Fog, Bariga dhexe iyo Galbeedka Afrika oo qaarkood ay ku bixinayaan Malaayiin doolar inay Hargaysa cagaha soo dhigaan ayaa ujeedadiisu tahay sidii beesha Isaaq ay u heli lahaayeen dal u gaar ah, una sii kaxaysan lahaayeen beelaha dega gobolada Sool iyo Sanaag oo iyagu maalinba maalinta ka danbaysa hoos u sii socda.

Inta badan Bulshadan ku nool goboladan Sool iyo Sanaag oo aaminsan inay ka mid yihiin maamulka Puntland, ayaa maamulkaas madaxdiisu sida muuqata ay ka gaabiyeen ama iska indho iyo dhego tireen xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta waqooyiga Soomaaliya.

Madaxda maamulka Puntland marka ay dan shakhsiyadeed iyo mid beeleed ay timaado maalmo badan ayaa Muqdisho u joogaan sidii ay u heli lahaayeen, sidii dhacday bishii hore. Socdaal ayeey ugu tagaan madaxda Galmudug sidii maalmihi aynu soo dhaafnay dhacday.

Magaalo madaxda Garowe ayaa lagu casumaa cid kasta oo laga arkayo dan shkhsiyadeed iyo mid beeleed, sida maalmahan aynu ku jirno ay ugu soo qul qulayaan Mooryaantii Koonfurta Soomaaliya magaalada Garowe

Laakiinse,marka ay timaado goboladan Sool iyo Sanaag oo ay maamulka SNM sheeganayaan xiriirkana la samaynayaa dalal shisheeye si xoog loogu muquuniyo goboladaas waa layska indho iyo dhego tiraa in laga hadlo. la cambaareeyo ama culays la saaro dawladda dhexe,mararka qaarkoodna Nalka cagaaran ayaaba la siiyaa. Taa bedelkeeda ma jiro Nal casaan ah oo ayna SNM ka soo gudbi karin. Fal kasta oo ay sameeyaan ma helaan jawaabtooda

Maanta wasiir ku xigeenka SNM ee gaadiidka Somaliland ayaa Dhahar jooga, maamulka Garowe iyaga oo taa og waa ayiska indho tireen, waxayna ka doorteen Caynte iyo Shariif Xasan inay Garowe ku soo dhoweeyaan. Wiilka Dhahar jooga ee Tiknikata SNM gurigiisa hor taagan yihiin iyo raisal wasaaraha soo socda ee Majeerteen ee lagu karkarinayo Garowe waxay ahayd in laysu miisaamo oo labadaba la wada qabto.

Gudoomiye iyo Xildhibaan ka soo jeeda goboladaas marka la ridayo ayaa waxa ka fudud in maamulka Puntland canbaareeyo fal kasta oo waxashnimo ah oo ay SNM ku kacaan, ha ka mid noqdee wasiir ku xigeenka jooga Dhahar saaka.

Qorshihii magaalooyinka ay doorashada Soomaaliya ka dhacayso gobolada Sool iyo Sanaag hal magaalo oo ka mid ah kuma jiraan. Maamul goboleed kasta waa loo qaybiyey beelaha wada dega

Ugu danbayntii khilaafka ugu badan ee ka jira gobolka Sanaag maanta waa koox leh maxaad ku taageersan tahay Puntland iyo koox riyo ku nool ah oo aaminsan in hal maalin Puntland garab istaagi doonto, waxa ka sii faaiidaystay labaddii kooxood is hayey Isim intii sii harsnayd sii kala qaybiyey iyo siyaasi ay wada shaqaystaan, waana midda ay maamulka Puntland mahadiyeen oo ay aaminsan yihiin in aan isbedel iman karin

Mar haddi siyaasiyiinta Garowe danta reerkooda iyo xilka soo socda meel kasta u tegayaan si ay u helaan, maanta waa markii ugu fursad fiicnayd oo bulshada Sool iyo Sanaag ay ka faaiidaysan lahaayeen khilaafka ka jira Soomaaliya. Haddii Shariif Xasan iyo Caynte ku karkarinayaan Garowe Ra’isulwasaaraha soo socda , Bulshada Sool iyo Sanaag waa in iyaguna meesha ay dantooda ka arkayaan fooda saaraan.

The following entry rules apply to tourists travelling to Dubai from these countries and territories:

Afghanistan, Angola, Argentina, Bangladesh, Cambodia, Chile, Cote d’lvoire, Croatia, Cyprus, Czech Republic, Djibouti, Egypt, Eritrea, Ethiopia, Georgia, Ghana, Greece, Guinea, Hungary, India, Iran, Iraq, Israel, Jordan, Kenya, Lebanon, Malta, Moldova, Montenegro, Morocco, Myanmar, Nepal, Pakistan, Philippines, Romania, Russia, Rwanda, Senegal, Slovakia, Somaliland, South Sudan, Sudan, Syria, Tajikistan, Tanzania, Tunisia, Turkmenistan, Uganda, Ukraine, Uzbekistan, Vietnam, Zambia, Zimbabwe

Allsanaag.

3 thoughts on “Sool, Sanaag SNM iyo Puntland

  1. Oday

    Inaad soo caqliyeysatay baa la moodaa oo caadifadii qabiilka iyo jahligii kaa soo baxayo.
    Lkn adiga maqaalkan qoray iyo qaar badan oo talaal qabiil mar hore lagu dhiftay talaalkaas oo u shaqeeya qaab ah ama dad aflagaadee ama qabyaalad iyo edeb darro ka hadal, waxa hal mar laydin ka waayey wadankiinii Soomaaliya ma xasuusataan, maxaad u qabataan ma u ducaysaan xiyaa hadii aad tamar kale weydeen
    Inta ay ka dhacayso inaad Soomaaliya u hiilin weydaan ma dhacayso inaad guuleysataan taas laabta geliya

    Reply
  2. Jirac

    Don’t worry my people reality will come soon “HA NIYAD DILIN DADKA”sida xaqiiqada ah waxaa weeye ciyaarta inaad si fiican u cayaartaan Reer Sool iyo Sanaag cayaarta midna “Qori” idhiig , iyo jajuub buu wax ku raadin midna dadkiisu inuu horu mar iyo nabad galyo helo “the ones act his/her mind as a slove will always be slave” runtu waa taas weeye qof haduu u dhaqmo inuu qof kale aduunkiis yahay ama ahaanjiray waligii adoon buu ahaanayaa lacagtina way dhamaaneysaa Emararaat kaas aad u jee did qoluu adoon u yahay shilling kuu helo u geëyaa waxaad ogaataan dhulka inaan leenahay ee ay yan dhicin barakicin. Ina Aynte iyo HAG iyo Emerates time koodii was over 2017 that’s the reality marka dheesha si fiican waa in loo fahmaa waxayna ku soo biyo shubaneysaa “Puntland” oo u sheegta runta qolyaha reer muqdisho “we’re going to be our country soon as well so be prepared”. Inta ay u niikinsyaan hargeysa heesteeda “anagu xamar dooni meyno ayaan ugu bedelaynaa puntland maba dooneyso hargeysa iyo muqdhisho toona taasi waa midaan taagnaa 2000 2005kiiba la igu canaantay iyadii baana wali taagnahay walaahi laakiin ma rabo in la’iigu yeero Faisal Cali dhurwaaga puntland taas waan dhibsanayaa waayo anigu dadka ma caayo beena ma sheego fiiradayga fog iyo khibradeyda baan wax ku cabiraa waad mahadsantihiin yaan la niyad jabin we’re the real power players.

    Reply
  3. Jirac

    Ogow ogadeenka dhobkaas oo burka Somalia ka bilowday oo beesha isaaq bilowday inay recist gareeyaan ayey ku xirantahay inay iyana dheesha nala dheelaan as well hada dirka u fiirso waxay bilaabeen inay dhahaan waxaan degnaa xataa dhulkaas horay yaa ugu diiday no body dib u dhaca iyo caqligan gurucan maanta maba jireenba hadayyan iyaku bilabin ximinta iyo kala qaqubka umada ama beesha Somali xaqiiqadu waa taa weeye nimaan taariikh wanaagsan dadkiisa ku dhex laheyn oo raba taariikh inuu sameysto ninka u niikiya sow kama liito laakiin hal baan ku amaanayaa beeshaas sida ay hawiyaha u caayaan waa ku amaanayaa waayo “walaweyn” iyo racism kooda waxay ugu bedelen “Walaalaheena Somaliland” naceybkoodana hada xargaha buu goostay oo wuxuu gaatay in Hooyo Somaliyed ay yiraahdaan markab ka soo degi karto oo ka soo jeeda Hiiraan. Bal ila eega inaan mar kasta saxanahay “kan hiiraan ka soo jeeda oo xilagaas iyo xiligii wabigu fatahay dadka Reer bosaaso, Baran, iyo Garowe iskood ilaahay dartii ugu istaageen walaalahood in lala qaybsado dhibka bal eega waxa GOODAX wasiirkii waxbarasha isna ku sameeyey caruurta Reer puntland. Ma ahan aniga shaqsiyan naceyb igu gooni ah ee aan si gaar ah u qoonsaday dad yowgan dega Gobolada dhexe iyo Mogadishu laakiin waa waxa aan ka arkay.Hada haday xilka madaxtinimada Somalia qabtaan kuma dhacaan in hergeisa runta u sheegaan yiraahdaan hadaadan muqdisho necbeen come to Mogadishu I’ll come to Hargeysa let’s be realistic xiligii naceybka Daarood aad nagu boon buunin jirteen is over and WALAWEYN is one of the best towns in Somalia. Runtu waa ma oran karaan mana fahmayaan how racist beesha Isaaq is kuma dhacaan inay racist gareeyaan Reer awdal oo waxay ogyihiin aqoontooda ay iyaga yaqaanaan caqligooda suu u shaqeeyo haday is waal waalaana way ogyihiin inay jibouti ku biirayaan Somaliduna u ogalaaneyso ogadeena derbi iskaga xirayaan waalidooda business kooduna jibouti , puntland , iyo Kismayo noqonayo marka fadlan dadka ha niyad jabinina we’re the real power players so we’ve to use it smartly. Balanteenu waa horumarinta iyo korinta bulshadeena iyo fulinta mashaaricda socda sida ugu dhakhsaha badan insha Alaah.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*