27th April 2024  admin  Category :

Agaasimaha Machadka Hawiye Heritage wuxuu sheegay oo aaminsan yahay in gobolada Sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin Soomaaliland sida uu ku sheegay dood uu ka qayb galay bishii May 5’teedii ee 2020. Fadlan waraysiga ka bilow daqiiqadda 16’aad.Maanta Garoowe ayuu shir ku hayaa oo rumaysan yahay maamulka Puntland inuu labo gobol ka kooban yahay!!

Waa ninka Shaatiga cad oo la taagan madaxweyne Deni

3 thoughts on “Sool iyo Sanaag waa Somaliland

  1. Jirac

    Waxaan rabaa inaan TAARIIKH RUN AH idin la share gareeyo 1997 dii dadku waxay aad u dhageysan jireen idaacadii BBC da oday ayaa habeen dad badan oo idaacada dhageysanaya RADIOW gii dhamiyey markuu soo galay “YUSEF GARAAD” dadkii oo dhan baa ku qayliywy bak oo radio uu sitay ayuu kor u taagay isagoo leh ha la’i dhageysto. Waa lageystay (wuxuu yiri “GACAN KU DHIIGLAHA WAXAA KA XUN AFKU DHIIGLAHA UMUD KALA FOGEEYAHA XUMAAN KORIYAHA”. Waan la yaabnay odagii waxa uu dareemey oo waxaan dooneynay inaan odaga si fiican u fahano waxa uu dhibsaday. Wuxuu yiri saameynta dagaalka caqlixumada ee sokeeye waxaa ka daran cawaaqib xumada inanka ay abtiga u yihiin uu umada dhexdhigayo. Waxay igu qaadatay 20 sano ka bacdi inaan Fahmo odagaas ALAH HA U NAXARIISTO caqli badnaayaa. U jeedadaan u soo qaatay example kaan waxaa weeye ALLSANAAG is the best news organization or the best journalist we have left please don’t be like Yusef Garaad inkastoo aduunyada maanta xumaan falaha laga dhigo wax uusan aheyn adinka waxaa la’idinkarabaa responsibility weyn Allah baa weyn. Thanks

    Reply
  2. Mustafa noor

    Waxa ikaga kiin khaldan laba wax oo aad Fahmi la’dihiin.
    Labada wax waa taariikhda dhulka soomaaliyeed iyo xaalada ka jirta soomaaliya maanta .
    Sidaa awgeed nacam sanaag iyo sool taariikh ahaan iwaa laba degmo oo ka mid ah dhulkii loo yiqiin Somaali ( British Colony )
    Taasi waa mid.
    Laakiin magacii ayaa waxa afduubtay ( SNm) oo sheegatay Somaliland ka dibna ku dhawaaqday jamhuuriyad gaar ah
    Sool iyo sanaag halkaa ayey kaga hadheen gooni isu taaga (SNM )
    Ilaa masntana waxa jira marin habaab iyo awood la’aan haysta reer sool iyo sanaag
    Waxay noqdeen dad iyo dhul laysku haysto
    Waxay noqdeen dad ku gudbi la labada maamul ee midna ka xigo dhinca bari midna ka xigo dhinaca galbeed
    Sidaa owgeed ha la kala saaro dhulka ( Somali British land )
    Iyo xaalada maanta ka jirta dhulkaas mana aha in laysku xidho ama xidhiidhyo labada arimood .

    Reply
  3. Bishaar

    Taas beentii maahan,federaalku xataa Puntland laba gobol iyo bar ayay u aqoonsantahay oo ah Nugaal,Bari,nus Mudug.

    Dhul lagu muransanyahay ayay beesha caalamku ugu yeertaa,waxase Sool badi u gacan gashay Iidoor,Sanaag iyana bar waa degaan.

    Somalia dawlada ka jirtaa Iidoor iskuma diidana Sool & Sanaag ee midnimo iyo kala tag ayay isku hayaan,federaalna waxa lagu koobay dhulkii Talyaani ka xoroobay ee kama jiro Soomaalidii Ingiriis ka xoroobay.

    Intaas ayaaba cadayn ah,haday soo laabtaana Federaal iyo xukun qaybsi Koonfur & woqooyi ah ama Iidoor iyo Hawiye rabaan.

    Reply

Leave a Reply to Bishaar Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*