26th April 2024  admin  Category :

Gudoomiyaha shirkada DPW ayaa sheegay in aanay dawalada Fadaraalka Soomaaliya waxba ka qaadi karin. Somaliland-na tahay dawlad madax banaan . Waxa kale oo uu sheegay in ay sii wadi doonaan mashruuca dekedda Bebera

Suldaan Ahmed Bin Suleymaan  oo ah  Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World ayaa ka jawaabay hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ee ahaa in uu Sharci daro yahay heshiiskii ay wada gaareen Somaliland iyo Sidoo kale Shirkadda DP World.

Waxaa uu sheegay in Heshiiska aysan waxba ka khuseyn dowladda Dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana uu ahaa Mid u dhaxeeyay Somaliland , Itoobiya, iyo Shirkadda DP World.

Agaasimaha ayaa sidoo kale in tilmaamay in Ogolaansha Dekedda berbera ay ka heleen Baarlamaanka Somaliland.

“Nama quseeyo waxa ay leedahay dowladda federaalka, somaliland waa dowlad madax banaan 28 sano, waa meel xasilooni oo dimoqraadiyad ka jirto, mashruuceena wuxuu helay ogolaanshaha baarlamanka somaliland, ma awoodi karto inay xukuumadda Federaalka wax bedesho ama hadalo ay jeediyaan oo aan u joojineyno ma jirto”ayuu yiri Agaasimaha DP World oo la hadlayay warbaahinta Imaaraadka Carabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*