26th April 2024  admin  Category :

BEESHA ISAAQ OO SI KALE UGA AAR-GUDANAYSA DEGAANNADA AY KA SOO JEEDAN CIIDAMADA KU BIIRAY PUNTLAND

Kadib markii qaar kamid ah taliyaasha Somaliland ee gobolka Sanaag iyo ciidamo ay hoggaaminayan oo ka tirsanaa maamulkaasi ay dhowaan ku biireen dhanka Puntland ayaa sida la sheegayo xukuumadda Muuse Biixi warbixin qaldan ka gudbisay gobolka Sanaag.

Madaxtooyada Somaliland ayaa qoraal ay u dirtay hay’adaha Samal-falka iyo kuwa  horumarinta ee caalamiga ah waxay uga digtay in ay ka hawlgalaan degaanno ka tirsan gobolka Sanaag oo ay ka soo jeedan ciidamada ku biiray Puntland.

Somaliland waxay hay’adaha u sheegtay in amniga degmada Badhan iyo degaanno kale oo ka tirsan bariga iyo koonfurta gobolka Sanaag uu gacanta ka baxay kadib markii malayshiya-beeleedyo hubaysan la wareegeen waxaana ay ku wargelisay in aan laga hawlgeli Karin.

Sidoo kale Somaliland ayaa hay’adaha kala duwan ee caalamiga ah warbixin ku siisay in degmooyinka ay ku jiraan Xiingalool iyo Dhahar ay xarumo qarsoodiya ku leeyihiin ururka Al-shabaab oo sida ay sheegtay ka hawlgala degaannadaasi.

Sarkaal  ku sugan magaalada Nairobi oo ka tirsan hay’adaha caalamiga ah kana soo jeeda gobolka Sanaag ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in saraakiisha sare ee hay’addiisu ay wax ka weydiiyeen sax ahaanshaha warbixinta Somaliland.

Warbixinta oo uu weheliyo sawir muujinaya malayshiyaad hubaysan oo baabuur saaran ayaa loo diray hay’adaha iyadoo sawirka hoostiisa lagu qoray Badhan sida uu tilmaamay sarkaalka.

Wuxuu sheegay in uu qoraal jawaab ah ka celin doono warbixinta Somaliland la wadaagtay hay’adda oo uu ku tilmaamay mid lagula dagaaallamayo nabadda iyo horumarka gobolka Sanaag gaar ahaanna loogu colaadinayo isir iyo dad gaar ah.

Balse sarkaalka ayaa diiday in uu nala wadaago warqadda Somaliland u dirtay hay’adaha isagoo sida uu sheegay ilaalinaya xogt-gaarka ee u dhexaysa hay’addiisa iyo cidda ay bah-wadaagta shaqo yihiin.

PUNTLAND POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*