26th July 2024  admin  Category :

Beelaha Sacad Yoonis (Habar yoonis) iyo Biciido (Habar Jeclo) oo ku dagaalamay bariga gobolka Togdheer

Sida ilo Wareedyo xogogaal ahi ay xaqiijiyeen  waxaa saaka iska horimaad dagaal laysu adeegsaday Gaadiid,Tikniko  iyo hub  fududba ka dhex qarxay Beelaha Sacad Yoonis (Habar yoonis) iyo Biciido (Habar Jeclo) degaanka Dararweyne “Ceel-afweyn” oo hore dhawr jeer iska horimaadyo dhimasho & Dhaawacba sababay ugu dhexmaray.

Khasaaraha Dagaalka ayaa ilaa inta hadda la ogyahay lagu sheegay Hal qof oo dhimasho ah iyo Laba Qof oo dhaawaca inkastoo la sheegay in dagaalku socdo weli.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu ka bilaabmay Markii dablay hubaysan oo ka soo jeeda Beesha Biciide Rasaas huwiyeen maqaaxi Shaaha laga cabo oo ay ka shaahanayeen Rag doora oo ka soo jeeda Beesha Sacad yoonis.

Sadexda qof ee dhimasahada iyo dhaawaca isagu jira ayaa ka soo jeeda Beesha Sacad Yoonis,islamarkaana ka mid ahaa dadkii rasaasta gaadmada ah lagu hurgufay iyagoo qaxweynaya

Weli ilaa hadda ma jiraan wax xoggo rasmi ah oo ka soo baxay Xukumada Kornayl Muuse Biixi iyo labada dhinac ee dagaalamaya toona

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*