26th July 2024  admin  Category :

Al-Shabaab ayaa caawa sheegtay in Saalax Badbaado oo horay u ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG uu ahaa ninkii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa ee ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Idaacada A-Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay codka mid ka mid ah raggii fuliyay weeraradii is qarxinta ahaa ee ka dhacay saaka nawaaxiga garoonka diyaaradaha

Cod laga duubay ka hor inta uusan fulin weerarka ayaa Saalax Badbaadow ayaa uu kaga hadlay weerarka uu fulinayo iyo ujeedka uu u socdo, isagoo dardaaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu fariin u diray beesha Isaaq , halkaasoo uu deegaan ahaan ka soo jeedo.

Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) ayaa ka mid ahaa Baarlamaankii KMG, waxaana sanadkii 2010 uu ka goostay Baarlamaanka, kuna biiray Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*