7th September 2024  admin  Category :

Cumar iyo Ciise mid labo goor ayeey soo qabteen, Markii Ciise ayaa la rabaa in la keeno doorasho qof iyo cod ah,

Siyaasiyiinta reer Puntland ah oo ka soo jeeda beesha Ciise Maxamuud ee Majeerteen oo ay ka mid yihiin Qoyska reer Faroole, Cali Xoosh ,Shiddo, Xasan Abgaal iyo Axmed Cawad Ciise oo dhamaantood taageera Ururo diimeed dalka ka jira iyo kuwo Caalami ah sida wasiirkii hore arimaha dibadda Soomaaliya , ayaa dhamaantood waxay taageereen hadalkii Madaxweyne Xasan Culusoow ee ahaa inay Puntland burburayso, oo ay ku burburayso doorashada golaha degaanka ee dhowaan la qaban doono.

Siyaasiyiintan beesha Ciise Maxamuud, ayaa halkaa iyo hadalka madaxweyne Culusoow fursad ka helay, iyaga oo markii horeba ka caraysnaa in Beelaha ay walaalaha yihiin ee Cismaan Maxamuud iyo Cumar ay hogaanka Puntland mid labo goor u soo qabteen oo markii iyaga la soo gaaray doorasho la qabanayo.

Siyaasiyiinta ay beeshani ka soo jeedaan ayaa waxay degaan gobolka Nugaal, oo dhaqaalaha uu Caalamku siiyo Puntland ayna soo soo dhaafin Garoowe iyo nawaaxigeeda.

Siyaasiyiintan ayaa si ay uga qayb qaataan dimoqraadiyadda Puntland waxa lagu maslaxay inay noqdaan beesha Qura ee beelaha reer Puntland labo wasiir ku leh golaha wasiirada Puntland.

Siyaasiyiintan ayaa in badan waxay kaga daydeen beesha degta caasimadda Soomaaliya oo gaar isu siiyey caasimaddii qaranka, hase ahaatee waxayna u ogayn in 1998 markii Puntland la samaynayey aan cod loo qaadin halka ay noqonyso caasimadda Puntland, oo maanta bulshada intooda badan diyaar u yihiin inay u codeeyaan halka ay caasimad la wada leeyahay ay noqon doonto

Ugu danbayntii maanta magaalada Garowe, waxay khatar ugu jirtaa in xabbad lagu raali gelinayo Mooryaanta Muqdisho ay ka dhacdo si loo yiraahdo waa ka dignay doorashooyin la qabto . Axmed Cawad wuxuu ku doodayaa aniga oo reer Islaam ah oo Garowe degan sidee aanan ku heli karin hogaanka Puntland. Xasan Abgaal, isagu xoogaa shilimo ah ayuu soo qaatay, Bulshada Puntland intooda kale edeb daro ayeey ku tahay in jufo horay hogaanka Puntland u soo qabatay inay khal khal geliyaan amniga Puntland iyada Laascaanood gubanayso

ALLSANAAG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*