27th July 2024  admin  Category :

Haddii dadka ay nolol maalmeedkooda caadiga ah ku saleeyaan qiyaali iyo qusaxfalaad waxaa ay seejineesaa noloshooda adduunka iyo midooda aakhiro. Waxaan la soconaa in siyaasiyiinta beesha ku abtirsata SNMta ay shacabkooda ku aqrinayeen waqti dheer wax aan jirin oo boqolkiiba sagaashan iyo siddeed ah been.

Siyaasiyiintan waxeey shacabkooda ku yiraahdeen waxaa tihiin dal ama wadan madaxa bannaan oo la mid ah dalalka caalamka, taasina waa mid been ah oo aan waxba ka jirin, beesha Isaaqna waxeey welli ka tirsan tahay dalka Soomaaliya.

Waxeey u sameeyeen shacabka baasaboor iyo lacag si dadka loo sii jah wareeriyo, lacagtaas iyo baasaboorkaasna waa mid aan dhaafsiisneen xudduudaha beesha Isaaq.

Siyaasiyiinta SNMta waxeey shacabkooda ku yiraahdeen dhulka Warsengali iyo Dhulbahante idinkaa iska leh oo Ingiriiskaa dhaxal idiin siiyey, taasina waa mid aan waxba ka jirin oo Dhulbahanta iyo Warasangelli Isaaq oo aan dhulka soo deggin ayeey degganaayeen, taasina waa mid been ah.

Hadaba beenta aan dhamaadka laheen oo ay siyaasiyiinta SNM ka iibinayaan shacabka habeen iyo maalin waa mid aan wax dan ah ugu jirin shacabka masaakiinta ah, mana noqoneeso mid wax ka badaleesa nolosha dhabta ah ee shacabka heesata.

Tusaale, Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah siyaasiyiinta beesha SNMta, ayaa ah shaqsi ku hadla wax kasta oo maalintaas ay ka tusto ama uu doono. Hadaba, isagga oo aan waxaan jirin u sheegaya dad masaakiin ah ayuu ku yiri fiiriya Farmaajo wuxuu doonayaa in Sool iyo Sanaag uu raacsiiyo Majeerteenya. Waxa aan isweeydiiyey haddii Farmaajo uu yahay nin Darood ah oo kaga dhaw ninka Isaaq, waxa Farmaajo u diidaya inuu sidaa uu sameeyo. Habar Jeclo, Habar Yoonis, iyo Habar Awal haddii ay is wataan maxaa Farmaajo u diiday inuu ka hadlo isagana aayaha gobolka Sool iyo Sanaag illeen Soomaali qabiil ayeey isku dishay, dalkoodiina ay u burburisay?

Hadaba, haddii beesha Isaaq ay rabaan ineey goostaan waa ineey iimaansadaan inta dhul ah ee uu illaahay ku beeray, oo aysan raadin dhul aysan laheen iyo dad aysan isku qabiil aheen. Soomaalida waxeey tirihdaa, “Hungurigii wax ka weeyn la gashaa wuu dillaacaa.”

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*