26th July 2024  admin  Category :

Sii Hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Oo La Kulmay James Swan

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukumadda federaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya Mr.James swan.

Labada masuul ayaa kawada hadlay iskaashiga qaramada midoobay iyo Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha xaalada gobolka.

Amb Axmed Ciise Cawad Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ahaa ayaana warbixin ka siiyay ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya, james swan hormarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimaha amaanka xiriirka caalamiga aha ee saaxibada caalamka ,dhaqaalaha iyo dib ukabashada dalka

“Ergayga qaramada midoobay ee soomaaliya, james swan, waxa sharaf u ahayd in uu maata la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka, Axmed Ciise Cawad, si ay u falanqeeyaan arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga qaramada midoobay, arrimaha qaranka mudnaanta u ah iyo xaaladaha gobolka ka jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*