26th July 2024  admin  Category :

Sidee ku noqotay Garowe Caasimadda Puntland? sasbtii maalintaa jirtay ee loogu doortay sax ma ahayd?

Intaan maamulka Puntland la dhisin ayaa beesha Majeerteen waxay shir ku qabsadeen magaalada Qardho ee gobolka Bari. Shirkaas ayaa ku dhamaaday Khilaaf,   ka dib markii Chairmaankii iyo Taliyihii Ciidamada SSDF  Allah ha wada naxariistee  Cabdulaahi Yuusuf iyo CabdiRizaaq Xaaji is mari waayeen,

Markii uu shirkaasi fashilmay oo madaxdii beeshu inta ay Muqdisho aadeen la kala safteen Allh aha u naxariistee Caydiid iyo Cali Mahdi, oo qaarkoodna madaxweyne ku xigeen u noqdeen Caydiid, ayaa qaarka mid ah siyaasiyiinta iyo Isimada Beesha Majeerteen waxay ergo u soo dirsadeen Hartiga Beelaha Waqooyi oo ku midaysnaa URURKII USP

Hartiga Waqooyi oo ku midaysnaa ururkii USP ayaa markaas waxa madax ka ahaa Allah ha wada naxariistee Xildhibaan Cawad Casharo iyo madaxweyne ku xigeen Maxamed Cabdi Xaash.

Shirkii ugu hreyey ee ka furmay Garowe ee looga hadlay maamul u samaynta degaanada hadda laysku yiraahdo Puntland, ayaa waxa diidmo ka hor keenay iyo in Majeerteen, Warsangeli iyo Dhulbahane ay maamul wada samaystaan siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Ciise Maxamuud oo hor boodayeen Madaxweyne ku xieenkii hore ee Dawladdii Caydiid Maxamuud Xaaji Aadan iyo Gudoomiyihii Gobolka Nugaal ee jabhadda SSDF Cabdiraxmaan Faroole.

Siyaasiyiintan beesha Ciise Maxamuud, sida maanta taagan oo kale dagaal ayeey ka xigsadeen in Warsangeli iyo Dhulbahante ay Majeerteen maamul la samaystaan. Si kasta waa loola hadlay oo waa la gancin waayey inay tanaasul sameeyaan.

Markii danbe waxa lagu raali geliyey mucaaradka reer Nugaal inay Garowe noqon doonto Caasimadda Puntland . Caasimaddu ma ahayn mid loo codeeyey ee waxay ahayd mid lagu raali gelinayey siyaasiyiintii Ciise Maxamuud ee diidanaa in WARSANGELI IYO DHULBAHNTE oo ah USP ay maamul la samaystaan jabhaddii SSDF.

Dhowr iyo labaatan sano ayaa ka soo wareegtay magcaabistii aan sharciga ahayn ee caasimadda Puntland ee Garowe ee lagu abaal mariyey kooxdii aan doonayn inay maamul la samaystaan Dhulbahante iyo Warsangeli. Maanta oo ilaa hadda reer Sanaag qaban hogaanka Puntland, ayaa kooxdii noocaas ahayd weli waxay qori u wataan inay hagbaddu markoodii tahay oo ay dhowrkii maalmoodba hal mar Gudoonka Baarlamaanka af iyo qori ku weeraraan iyago u arka Marti ku xadgudbaysa, waxayna oo ilowsan yihiin in maamul la wada samaystay

Ugu danbayntii mar haddii reer Sool maamul samaysteen oo culyskii Aaran jaan ku diidanaayeen beesha Dhulbahante ka yaraaday maamulka Puntland waxa laga gaaray xilligii reer Sanaag ay ka hadli lahaayeen Caasimadda lagu magcaabay diidmada Cabdiraxmaan Faroole iyo kooxdiisa, Caasimadda Puntland ma sii ahaan karto caasimad lagu raali geliyey koox guracan oo ilaa maanta aaminsan waxay aaminsanaayeen 1998. Waana sababta Aaran jaan iyo beesha Warsangeli ay mid walba labo wasiir ugu leeyihiin dawladda Puntland

ALLSANAAG,COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*