29th March 2024  admin  Category :

Musharaxiinta Hawiye oo Rooble u gudbiyey magacyada xubno cabasho laga qabo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharrixiinta beelaha HWIYE maalmo kadib markii heshiiiska laga gaaray doorashada.

Afhayeenka dawladda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimu ayaa sheegay inuu Ra’iisul Wasaaruhu ka guddoomay xubnahaasi liiska xubnaha ka tirsan guddiga doorashada heer federal ee ay cabashooyinka ka qabaan.

Macallimuu ayaa sheegay in xubnahaasi Ra’siiul Wasaaruhu qaabilay ay ka mid ahaayeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu ka guddoomay liiskaasi islamarkaana uu u gudbiyey guddiga gaarka ah ee heer wasiir ee shalay uu u xilsaaray eegista iyo hubinta cabashada lasoo gudbiyey.

Guddigaasi ayaa talooyinkooda u gudbin doonaa Ra’iisul Wasaaraha oo isna go’aanka qaadan doona.

Guddiga doorashada heer federaal ee casbahadu ka timid ayaa ka kooban 25 xubnood kuwaasi oo 13 ka mid ah ay ka imanayeen Dawladda Federaalka, halka 12 ka xubnood ee kalana ay soo magacaabayeen maamul goboleedyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*