
3rd March 2025 admin Category :
Sida musqushan dahabka ka sameyysan ee qiimaheedu yahay lix malyan oo doolar loogu xaday shan daqiiqo
Tuugo ayaa ka xaday qeybta lagu fariisto ee musqul dahab ah oo ku kacaysa lacag ka badan lix milyan oo doolar.
Waxaa la qaday qasriga Ingiriiska ku yaal ee Blenheim Palace kadib markii ay soo qaadeen ‘weerar halis ah oo qorsheysnaa’ kaasi oo qaatay shan daqiiqo oo qura.
Sidaasi waxaa la maqlay waqti lagu jiray dacwad maxkamadeed. Musqushaas ayaa si dhammaystiran loogu rakibay, waxayna si buuxda u shaqaynaysay iyadoo qayb ka ahayd bandhig farshaxan oo ka dhacay guriga taariikhiga ah ee ku yaal Oxfordshire bishii Sebtember 2019. Waxa ay ka sameysneyd dahab saafi ah.
Michael Jones, oo 39 jir ah, oo ka soo jeeda Divinity Road, Oxford, ayaa beeniyay eedeyn loo soo jeediyay oo ah in uu guri jabsaday.
Fred Doe, oo horay loogu yaqaanay magaca Frederick Sines, ahna 36, kana soo jeeda Windsor, iyo Bora Guccuk oo ah 41 jir kasoo jeeda galbeedka caasimada London, ayaa sheegay in aysan lahayn wax dembi ah oo ah inay hanti si dambiilenimo ah ula soo wareegeen.
Sida suuliga dahabka ah lagu xaday

Maxkamadda Oxford Crown Court ayaa sheegtay in musqusha laga yaabo in la burburiyay oo aan la soo celin innaba.
Haweeneyda Dacwad-oogaha ah ee lagu magacaabo Julian Christopher KC ayaa u sheegtay maxkamadda in koox shan qof ah oo ku safrayay laba gaari ay soo dhaafeen albaabada xiran ee qasriga Blenheim Palace aroortii hore ee subaxnimo ee 14-kii Sebtember 2019. Waxay jiireen oo ay burburiyeen waxkasta oo ku hor gudbanaa iyaga oo adeegsanaya buris oo sidaasi dhismahaasi ku galeen ayagoo waliba istcmaalayay dubbeyaal waaweyn.
Maxkamada ayaa dhageysatay in dubbeyaashaasi loogaga tagay goobtii, iyada oo lasoo bandhigay sawir ay dhismaha ka qaadeen kooxd aburcadda ah17 saacadood ka hor intaan musqusha la xadin, sida uu maxkamada u sheegay Christopher.
Waxaa maxkamada la horkeenay qofkii qaaday sawirka oo magaciisa lagu sheegay Jones islamarkaasna ka mid ahaa ragga burcadda ah ee weerarka xatooyada musqusha dahabka ah lagu eedeeyay.
Dacwad-oogaha ayaa sheegay in Jones uu qaaday sawirkaasi asagoo ‘halkaasi u joogay xog uruurinta dhacdada guri jebinta’ kahor weerarka. Christopher ayaa u sheegay maxkamada in weerarku qaatay shan daqiiqo oo keliya. ‘Agabkaasi farshaxanka ah ayaanan waligii dib loo soo helin’ wixii ka dambeeyay markii la xaday.
Sidaasi ayuu sii raaciyay hadalkiisa. “Waxay u muuqatay in la kala falfalliiray oo laga dhigay jabab yaryar oo dahab ah aana waligeed dib loo soo helin”.
Nin afaraad oo lagu magacaabo Jamis Sheen oo 40 jir ah kana soo jeeda Wellingborough oo dhacda Northamptonshire ayaa qirtay inuu guriga jabsaday, sida loo sheegay xeerbeegti.

Dahabkaasi ayaa dhammaa 18 carat qeybna ka ahaa bandhig uu soo bandhigay farshaxamiistaha Talyaaniga ah ee lagu magacaabo Maurizio Cattelan.
Waxaa miisaankiisu dhammaa 98kg waxaana lagu caymiyay aduun lacageed oo dhan oo ka badan $6m oo doolar.
Qiimeyaasha dahabka ayaa waqtigaas ahaa qiyaastii £2.8m gaar ahaan Sibtembar 2019, sida maxkamada loo sheegay.
Dacwad soo oogaha ayaa sheegay in farriimo, codad iyo sawirro shaashadaha laga sawiray oo badan oo laga helay taleefanada eedeysaneyaasha kala ah Sheen, Mr Doe iyo Mr Guccuk. Farriimahaas waxay muujiyeen saddexdooda oo ku gorgortamaya qiime dhan £25,632 kiiladiiba ilaa qiyaastii 20kg oo ah dahabka lasoo xaday.
Waxaa la sheegay in Mr Guccuk, oo asagu ka shaqeeya dukaamada dahabka ee Pacha of London oo ku yaala dhanka Hatton Garden, uu faaiidi lahaa faaiido dhan qiyaastii £3,000 kiilo kasta oo lasii gado.
Qasriga ayaa ku yaala Goobta UNESCO u aqoonsan tahay inay tahay goob dhaqameed caalami ah ahna goobtii uu ku dhashay Sir Winston Churchill. Dhageysiga dacwadu waa socdaa.