27th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas , Hadalkii uu   maanta  sheegay oo ahaa inuu Puntland ka ciribtirayo Aragaxisada, waxaan   ku ogaan karnaa hadaynu shacabka reer Puntland nahay  dhowrkan arimood:

1-  Haddii uu Ciidan ka mid ah  maamulka  Puntland uu  dhigo xadka u dhaxeeya beelaha Harti iyo Isaaq. Arintaasi boqolkiiba 70 ayeey ka qaadanaysaa ciribtirka Alshabaabka ay Somaliland maalgeliso. Maanta Alshabaabka lagu soo tababaro magaalada  Beer ee  gobolka Togdheer waxay gudaha u soo  galaan magaalada Boosaaso. Mararka qaarkood Askariga ugu  horeeya ee  arkaan ee Puntland  waa Askariga taagan kaantaroolka Boosaaso.

2- Shirkadaha Dahabshiil iyo Somtel oo la ogayahay in shaqaalahoodu inta badan ay  la shaqeeyaan alshabaab. In lago soo rogo cunaqabatayn oo Puntland laga saaro  iyaduna qayb ayeey ka qaadanaysaa Ciribtirka alshabaabka Somaliland maalgeliso

3- Sahal, Saad iyo EVC in laxirro. Arintanu iyaduna qayb ayeey ka qaadanaysaa ciribtirka Alshabaabka ay Somaliland maalgeliso

4- Kaantaroolada magaalooyinka waaweyn ee Puntland  oo lagu xiro Kamarad ku dul xiran  gawaarida la baarayo iyo xafiisyada saraakiisha Kaantaroolka. Arintan iyaduna qayb ayeey ka qaadanaysaa ciribtirka Alshababka Somaliland maalgeliso.

5- Gobolka Sanaag oo lagu arko  Askari qori wata oo aan ka hayn dawladda federaalka iyo maamulka Puntland . Waa in loo aqoonsadaa inuu yahay Alshabaab ama Alshabaab taageere,  Arintani waxay meesha ka saaraysaa Askar marka hore gobolka Sanaag ku soo gala inay yihiin Somaliland, hase ahaatee ah Alshabaab laga keenay Koonfurta Soomaaliya oo lagu tababaray Beer oo ay Somaliland maal geliso

Ugu danbayntii haddii Cabdiweli Gaas ay ka dhab tahay inuu la dagaalamayo Alshaab, waa inuu ka shaqeeyaa xasilinta magaalada Ceerigaabo iyo hub ka dhigista maleeshiyaadka la ogyahay oo halkaa ku sugan oo  la shaqeeya Alshabaab. Intaa wixi aan ka ahayn ee Puntland ku dhaqaaqdaa waa mashruucii horay u socday ee dhiiga dadka reer Galagala  lacagta looga samayn jiray.

ALLSANAAG.COM

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*