26th December 2024 admin Category :
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas , Hadalkii uu maanta sheegay oo ahaa inuu Puntland ka ciribtirayo Aragaxisada, waxaan ku ogaan karnaa hadaynu shacabka reer Puntland nahay dhowrkan arimood:
1- Haddii uu Ciidan ka mid ah maamulka Puntland uu dhigo xadka u dhaxeeya beelaha Harti iyo Isaaq. Arintaasi boqolkiiba 70 ayeey ka qaadanaysaa ciribtirka Alshabaabka ay Somaliland maalgeliso. Maanta Alshabaabka lagu soo tababaro magaalada Beer ee gobolka Togdheer waxay gudaha u soo galaan magaalada Boosaaso. Mararka qaarkood Askariga ugu horeeya ee arkaan ee Puntland waa Askariga taagan kaantaroolka Boosaaso.
2- Shirkadaha Dahabshiil iyo Somtel oo la ogayahay in shaqaalahoodu inta badan ay la shaqeeyaan alshabaab. In lago soo rogo cunaqabatayn oo Puntland laga saaro iyaduna qayb ayeey ka qaadanaysaa Ciribtirka alshabaabka Somaliland maalgeliso
3- Sahal, Saad iyo EVC in laxirro. Arintanu iyaduna qayb ayeey ka qaadanaysaa ciribtirka Alshabaabka ay Somaliland maalgeliso
4- Kaantaroolada magaalooyinka waaweyn ee Puntland oo lagu xiro Kamarad ku dul xiran gawaarida la baarayo iyo xafiisyada saraakiisha Kaantaroolka. Arintan iyaduna qayb ayeey ka qaadanaysaa ciribtirka Alshababka Somaliland maalgeliso.
5- Gobolka Sanaag oo lagu arko Askari qori wata oo aan ka hayn dawladda federaalka iyo maamulka Puntland . Waa in loo aqoonsadaa inuu yahay Alshabaab ama Alshabaab taageere, Arintani waxay meesha ka saaraysaa Askar marka hore gobolka Sanaag ku soo gala inay yihiin Somaliland, hase ahaatee ah Alshabaab laga keenay Koonfurta Soomaaliya oo lagu tababaray Beer oo ay Somaliland maal geliso
Ugu danbayntii haddii Cabdiweli Gaas ay ka dhab tahay inuu la dagaalamayo Alshaab, waa inuu ka shaqeeyaa xasilinta magaalada Ceerigaabo iyo hub ka dhigista maleeshiyaadka la ogyahay oo halkaa ku sugan oo la shaqeeya Alshabaab. Intaa wixi aan ka ahayn ee Puntland ku dhaqaaqdaa waa mashruucii horay u socday ee dhiiga dadka reer Galagala lacagta looga samayn jiray.
ALLSANAAG.COM